Kismayo: (pp)- Col Bare Hiiraale oo ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii looga adkaadey dagaaladii Kismaayo ka dhacay Todobaadkii lasoo dhaafey oo wareysi siinayey Wariye Maxamed Bashiir Xaashi ayaa sheegey inuu si nabad ah ku joogo deegaano uu ka taliyo Ururka Alshabab, halkaas oo uu ka wado uruursiga Maleeshiyo uu doonayo inuu mar kale kula dagaalamo Maamulka Jubaland iyo Ciidamada Amisom.
Col Bare ayaa ku sheegey wareysiga uu bixiyey inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxda Dowlada Federalka Somalia, Islamarkaana Alshabaab ay saaxiib ku noqdeen ka dib markii sida uu sheegey isaga iyo Alshabab noqdeen kuwo isku cadow ah ayna doonayaan inay iska kaashadaan dagaalo uu sheegey inuu la gali doono Ciidamada AMISOM ee Kismaayo Jooga iyo Maamulka Jubaland ee ka taliya magaalada.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Bare Hiiraale.
Bare oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Somalia ayaa Kismaayo laga saarey Todobaadka horaantiisii ka dib dagaalo qaraar oo dhex marey Maleeshiyo ay hogaaminayaan isaga iyo xubno kale oo ay qabteen Ciidamada Jubaland.
Waxaana wixii xilligaasi ka danbeeyey uu warbaahinta siiyey dhowr wareysi oo kala danbeeyey isagoona si cad wareysiyadaas ugu shaaciyey iskaashi dhex mari doona Isaga iyo Kooxda Alshabab,waxaana horey u jirtey eedeymo marar badan ay Madaxda Maamulka Jubaland ku sheegeen in Alshabab iyo Madaxda DF Somalia ku garab siinayeen dagaaladii Kismayo Bare Hiiraale iyo Xubnihii kale ee isu soo dhiibey Ciidamada Jubaland ka dib markii lagaga guuleystey dagaaladii ay la galeen ciidamada Jubaland.
Hadalka Col Bare Aadan Shire (Hiiraale) ayaa dad badan u arkaan inuu yahay mid banaanka usoo saaraya tuhunkii horey looga qabay ee ahaa inay ka bar bar dagaalameen maleeshiyaadkiisa, kooxo ka tirsan Ururka Alshabab oo ka mid ah Ururada Beesha Caalamka kaga jira Liiska Argagixisada Caalamiga.
Dhinac kale marka laga eego qirashada Col Bare uu ku cadeynayo inuu la midoobey Alshabab ayaa dhaawac u keeni karta Sawirka ay ka fahmi karaan Beesha Caalamka iyo Dowladaha Dariska la ah Somalia Madaxda DF oo uu iyana ku sheegey wareysiga lala yeeshay Bare Hiiraale inuu la leeyahay xiriiro dhow oo ay DF kaga warqabto, iyadoona taas bedelkeeda la ogsoon yahay diidmada Madaxda DF Somalia kaga soo horjeedaan dhismaha Maamulka Jubaland ayaa haddana ay Dowlada Federalku ogoshahay qorshaha ay ku doodayaan Bare Hiiraale iyo Kooxdiisu, marka loo eego sida ay dad badani ku doodayaan.
Puntlandpost.com
Kismaayo.