Gaalkacyo: (pp)- Shir Jaraa,iid oo ay galinkii danbe maalintii shalay ku qabteen Gaalkacyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayay kaga hadleen rabshadii sababtey dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca 12 qof ee magaalada Gaalkacyo ku dhex martey kooxo maleeshiyo hubeysan iyo ciidamada amaanka.
Labada Masuul ayaa si isku mid ah shirka jaraa,iid ugu cambaareeyey dhacdadaas oo ay ku tilmaameen inay ahayd mid nasiib daro ah islamarkaana lagu galay qaab khaldan oo la rabay in la isaga horkeeno ciidamada iyo shacabkooda.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Jaamac (Tigey) ayaa ku sheegey shaqaaqadii shalay Galkacyo ka dhacdey inay ahayd mid lagu damacsanaa sidii loogu xal daacin lahaa Nidaamka Dimuqraadiyeynta ee bilihii u danbeyey si habsami leh uga soconayey deegaanada Puntland,wuxuuna ku amaaney gudoomiyuhu barnaamijka Asxaabta ee la doonayo in laga hirgaliyo Puntland inuu yahay midkii bulshada reer Puntland ku gaari lahaayeen wadadii horumarka ee muddo badan ay ka dhur sugayeen.
Dr Cali Cabdulahi Warsame Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland oo isagu indhawaale ku sugnaa Magalada Galkacyo ayaa mar uu ka hadlayey shirka jaraa,iid dhankiisa waxa uu sheegey in Dowlada Puntland Guddi u saareyso baarista iyo ogaanshiyaha cidii ka danbeysay ama soo abaabushey shaqaaqada, islamarkaana la horkeeni doono cidii ay kusoo cadaato sharciga si loo mariyo xukunkooda.
Wasiirku waxa uu carabka ku dhuftey in maalmihii lasoo dhaafey wasaarada iyo bahda caafimaadka Puntland ay culeys ku hayeen dhaawacyadii laga keeney magaalada Kismayo oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo sidaas darteedna uu hadana soo fuuley culeys kale oo ka yimid dhaawacyo ka dhashey dagaalkii shalay ee Gaalkacyo.
Qaar ka mi ah Siyaasiin ku sugan Gaalkacyo kana mid ah xubnaha kasoo horjeeda hirgalinta Xisbiyada Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamey dhacdadii shalay inay ahayd mid ku timid xukuumada oo ka dhago adeegtey dalabyada shacabku ku diidan yihiin nidaamka ay wado islamarkaana aan la oran karin dagaalkaasi waxa uu ahaa mid ay ku lug leeyihiin kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda Barnaamijka Dimuqraadiyeynta.
Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa habeenimadii xalay iyo maanta ah mid degan ka dib shaqaaqooyinkii shalay oo sababey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaarey ciidamada amaanka iyo shacabka.
Puntlandpost.com
Gaalkacyo.