Garoowe: (pp)- Kulan 3-geesood ah oo u dhexeeyey wakiilo ka socday lixda urur siyaasadeed ee Puntland, Guddiga doorashooyinka Puntland TPEC, Iyo masuuliyiinta ugu sareysa Hay,adda PDRC ayaa maanta ka furmey xarunta hay,adda PDRC oo iyadu kulanka soo agaasintey.
Ujeedada kulanka loo qabtey ayaa ku saabsan sidii ay wada shaqeyn dhab ah u dhex mari lahayd ururada siyaasada Iyo TPEC oo ah guddiga doorashooyinka,sida uu sheegey Madaxa Hay,adda PDRC C/raxmaan Abdulle Shuuke.
Cabdiraxmaan Cabdulle Cismaan ”Shuuke” oo ah Agaasimaha Hay’ada waxa uu tilmaamey in kulankan dhinacyada uu u dhexeeyo ay isku dhaafsanayaan su,aalo la xiriira habka loo marayo ololaha doorashooyinka ee Ururadu u tartamayaan. “Urur walba wuxuu xaq u leeyahay in uu u tartamo doorashooyinka kuraastiisa, balse waxaa muhiim ah in aan ololuhu uusan noqon mid fowdo abuuraya , waana midda ugu muhiimsan ee laga rabo urur walba in uu ololihiisa uu si nabadgalyo ah ku muujiyo”, ayuu yiri Mr Shuuke.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maxamed Xasan Barre oo isna ka Hadley furitaankii kulanka ayaa kula dardaarmey ururadu in ay noqdaan kuwo mar walba hiigsanaya horumar, isagoona dhanka kale balan qaadey in ay ka guddi ahaan dhex dhexaad u yihiin .
Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa dhawaan shaaciyey tirada ururada ka qeyb galaya tartanka goloyaasha deegaanka , kuwaas oo loo ogolaadey lix urur siyaasadeed oo ah kuwa hadda Puntland ka jirra.
Puntlandpost, Xafiiska Garoowe