Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Wakiilada Gobollada Mudug ,Nugaal, Sool iyo Ceyn ee Guddiga doorashooyinka Puntland oo Garowe maanta lagu dhaariyey (Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Waxaa maanta magalada Garowe lagu dhaareyay wakiilada harsanaa ee Guddiga doorashooyinka Puntland u qaabilsan Gobalada Mudug,Nugaal,Sool iyo Cayn,kuwaas oo uu dhaariyey Garsoore maxkamada ka socday.

7Xubnaha la dhaariyey oo tiradoodu ahayd 64 ayaa dhaarintooda ka hor waxaa guddiga doorashooyinku siiyeen casharo ku aadan doorashooyinka iyo nidaamka Dimuqraaddiyada iyo sidii loo ilaalin lahaa habka ay dadku u codaynayaan oo ay saddex bari tabo bar ugu jirreen hotelka Rugsan magalada Garowe.

5Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland Maxamuud Soofe Xasan oo hadal kasoo jeediyey goobta lagu dhaarinayey xubnahan ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka si daacad ah loogu adeego,isagoona kula dardaarmey wakiilada cusub ku inay runta iyo cadaalad aysan ka leexan oo ay mar kasta qalbiga ku hayaan dhaartii ay mareen.

4Qaar ka mid ah wakiiladda maanta la dhaariyay oo la hadlayay Saxaafadda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin shaqadda iyo masuuliyada maanta loo dhaariyay,waxayna tilmaameen inay wax badan ay ka fahmeen macluumadkii la barayey saddexdii maalmood ee la dhaafay.

3
1
Sida la sheegay doorashooyinka Golayaasha deegaanka ayaa Puntland dhawaan ka dhici doona,inkastoo Guddiga doorashooyinka Puntland uusan wali ku dhawaaqin xilliga loo qorsheeyay qabsoomida doorashooyinkaasi

2

Puntlandpost, Xafiiska Garoowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>