Dikreeto galinkii danbe ee maanta kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamud ayaa xilkii looga qaadey Agaasimihii hay,adda wadooyinka Puntland (PHA) Puntland high way Authority Cismaan Xasan, islamarkaana Masuul cusub loo magacaabey xilkaas.
Dikreetada Madaxweynaha ayaan lagu sheegin sababta xilka looga qaadey Agaasimihii hore , inkastoo lagu sheegey dikreetada in Madaxweynuhu masuulkan cusub uu u magacaabey ka dib markii uu darsey aqoonta iyo waayo aragnimada uu u leeyahay howlaha horumarinta wadooyinka.
Agaasimaha cusub ee hay,adda PHA loo magacaabey Eng Maxamuud C/nuur Aadan ayaa la filayaa in uu dhawaan la wareego howlaha xafiiska hay,adda.
Maxay tahay sababta xilka looga qaadey Agaasimihii hore??
Eng Cismaan xasan oo ahaa agaasimihii xilka laga qaadey , wuxuu hay,adda soo maamulayey saddexdii sano ee lasoo dhaafey, waxaana ilo xogogaal ah ay tilmaamayaan in xil ka qaadistiisu ka dhalatey ka dib markii guddi afar bilood ka hor madaxweynuhu usoo direy in ay dabo gal ku sameeyaan howlaha hay,adda ay warbixin ku gudbiyeen in lagu helay Agaasimihii horre musuq maasuq la xiriira qeybo badan oo qalabka hay,adda oo si gaaar ah uu uga kireystey Companyo gaar loo leeyahay oo ka shaqeeya dhismayaasha wadooyinka.
Akhri Tikreetada Madaxweynaha Puntland
Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa ka hor intii uusan xilka ka qaadin Cismaan Xasan wuxuu labo bilood ka hor soo saarey dikreeto lagaga joojinayo masuuliyiinta hay,adda isticmaalka Sanduuqa mashaariicda caalamigaugu soo dhacaan hay,adda iyo sidoo kale dhakhliga hay,adda uga imaan jirrey Dowlada dhexe ee Puntland.
Iyadoona ay taasi muujineysay xiriirka u dhexeeya Madaxweynaha iyo masuuliyiinta hay,addaasi in uu ahaa b lihii u danbeeyey mid aan cago badan ku taagneyn. Nasiib daranaa Hay,adda PHA oo horey loo oran jirrey Nesha.
Hay,addan waxay ka mid tahay hay,addaha dowligaa ee Puntland ka shaqeeya , una qaabilsan dhismaha iyo dayactirka wadooyinka, oo inta badan mashaariic iyo dhakhliyaad kala duwan ka hesha hay,addaha caalamigaa iyo dowlada Puntland.
Waxaase nasiib daro lagu tilmaami karaa hay,addan oo shaqeyneysay mudadii ay dhisneyd dowlada Puntland 15 sano in aysan guul la taaban karro ka gaarin howlihii loo igmadey, midaas oo sabab looga dhigi karro hay,adda oo la kowsatey masuq maasuq baahsan oo ay ka geysteen dadkii xilalka kasoo qabtey.
Madaxweyne kasta oo Puntland kursigeeda ku fadhiya hay,addan wuxuu maamulkeeda badalaa ilaa dhowr mar, taas oo loo sababeyn karro mashaariicda dhakhli iyo qalab ee hay,adda kusoo dhaca oo la musuq maasuqo.
Howlaha u yaal hay,adda oo ay bulshada Puntland ku taameyso in ay wax ka qabato ayaa la oran karaa waa kuwo laga arki karo wadooyinka qeybo badan oo ka mid ah oo burbursan.
Maamulka Cusub ee hay,adda loo magacaabey.
Inkastoo aan aragti laga bixin karin masuulkan cusub qorshihiisa ku aadan wax ka qabashada baahiyaha horyaala ee dhanka wadooyinka , ayaa haddana lagu sheegey dikreetada madaxweyne faroole in uu yahay shaqsi u qalma in uu kasoo baxo waajibaadka loo xilsaarey ee wadooyinka iyo dardar galinta shaqada hay,adda.
Masuulka la magacaabey oo la yiraahdo Eng Maxamud C/nuur ayaa wararku ay sheegayaan in uu ahaa shaqsi in badan kasoo shaqeynayey howlo ganacsi , balse la oran karo wuxu ka mid yahay aqoonyahanada shahaada ka haysta heerka ENG, waase la sugaa waxqabadkiisu halka uu sal dhigto.
Hay,addaha Dowliga ee Puntland
Puntland waxaa ka shaqeeya ilaa afar hay,adood oo ah kuwo dowliya , kana kala shaqeeya qeybahan kala ah
Hay,adda Musiibooyinka deg dega ee magaceeda loo soo gaabiyo (Hadma) ,
Hay,adda IADIS-ka iyo cudurada faafa ee HIV oo lagu magacaabo PAC ,
Hay,adda daryeelka bulshada oo ahayd middii ugu danbeysay ee dhawaan uu asaasey Madaxweyne C/raxman Faroole iyo Hay,adda PHA oo horrey magaceeda loo oran jirrey Nesha.
Hay,addan dowligaa ayaa inta badan mashaariic iyo dhakhliyaad kala duwan ka hela hay,adda beesha caalamka ka sokow dhakhliga uga yimaada dowlada Puntland , waxana ay yihiin kuwo ku kala horeeya shaqooyinkooda loo
xilsaarey.
Puntlandpost, Xafiiska Garoowe