Garoowe:(pp)- Madaxweynaha Puntland Ayaa shacabka Puntland iyo umada Soomaaliyed oo dhan u diray hambalyada dhalashada bisha Ramadaan, Wuxuuna Madaxweynaha sheegay in dhalashada bisha Ramadaan laga arkay meelo ka mid ah Puntland iyo Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweynaha Ayaa Wasaarada Aniga iyo ciidamada booliiska ku booriyey in ay Indhaha ku hayaan dalka cuntada ku Kariyo meheradaha qaarkood, Lagana hortago, si talaabo Sharciga looga qaado.
Deegaanada Soomaaliya Ayaa la sheegayaa in maanta intooda Badan laga soomay , aan ka ahayd meelo ka mida deegaanada gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Puntlandpost.com