Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa maanta gudoonsiiyey masuuliyiinta jaamacada bariga africa magaalada Garowe dhul cabirkiisu gaarayo 2KM oo xarun jaamacadu ka dhisaneyso, Iyadoona ay goob joog u ahaayeen munaasabadii dhulka jamacadu kula wareegeysay , masuuliyiinta maamulka dowlada hoose garoowe iyo qeybo kala oo ka tirsan dowlada iyo saxaafada.
Madaxweynaha ayaa sheegey in dhulkan wareejintiisa ay u garteen Jaamacadda , isagoona sheegey in ay tahay muhiimiyada ay u bixinayaan bulshada oo looga faa,iideeyo, ahmiyad siinayaan horumarinta waxbarashada oo uu tilmaamey Dr Faroole mid u baahan in la garab galo.
“Wax la bixiyo dhul baa ugu qaalisan,wax loo hibeeyana tacliin baa u qaalisan,waxaana ummada ugu deeqdeen tacliin si ay jahliga uga baxaan , waxaana idinka codsan inaad si deg deg ah u dhistaan dhulkan si looga faa,iideysto” Ayuu yiri Dr Faroole.
Gudoomiyaha jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda Garoowe Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka hadley munaasabada dhulka jaamacadda lagu gudoonsiinayey ayaa sheegey in uu si weyn uga mahad celinayo garashada dowladu u garatey dhulkan gaar ahaan madaxweynaha oo uu sheegey mid door muhiim ah ka qaatey horumarinta waxbarashada tan iyo mudadii uu xilka hayey.
Duqa magaalada Garowe Abdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa intaas ka dib raaciyey in dhulka loogu deeqey jamacadda , islamarkaana ay isla goobta dowlada hoose ee Garoowe ku wareejineyso maamulka jamacada waraaqaha cadeynaya iyo documentigiisa oo buuxa.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay xukuumada Dr Faroole dhul bixiso , iyadoo horrey ay u jirtey xarumo dowladu ugu deeqdey , Ururka Nasrulaah oo gacanta ku haya dadka dhimirka la,a , Iyo qeybo kale oo ay ku jirreen jaamacado ku yaal bosaso.
Puntlandpost, Xafiiska Garoowe