Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

M/kuxigeenka Jubbaland State oo Baaq u diray Shacabka iyo Ciidamada ammaanka Jubbaland State (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland State Gen.C/laahi Sh. Ismaaciil (fartaag) oo saxaafada ka hadlay maanta,  ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan amaanka magaalada Kismaayo, isagoo masuulku uu sheegay ay jiraan dad ku labisan dharka ciidamada in ay dhibaato ku hayeen  bulshada, wuxuuna ugu baaqay ciidamada amaanka Jubbaland State inay ka hortagaan dadka dhibaataynaya shacabka.

Gen. Fartaag oo baaq u diray shacabka iyo Ciidamada ammaanka Jubbaland State

Gen. Fartaag oo baaq u diray shacabka iyo Ciidamada ammaanka Jubbaland State

Ciidamada ayuu ugu baaqay in heegan ku ahaadaan hadda wixii ka danbeeya  xarrumahooda , si loo sugo amaanka. Shacabka magaalada Kismaayo ayuu ugu baaqay in isdajiyaan isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka Jubbaland State.

Hadalka M/kuxigeenka ayaa imaanaya kaddib markii labadii maalmood ee u danbeeyey hub lagu qabtay Xaafada guulwade , hubkaas oo maamulku uu sheegay inuu yahay Hubkii dowlada Jabuuti ugu deeqday DF ee Soomaaliya.

Qabashada hubkaas ayaa cadayn buuxda u ah in DF ee Soomaaliya ay si xoogan u taageeraysay dagaaladii horay uga dhacay magaalaa Kismaayo ee laga awooda roonaaday shaqsiyaadkii ay taageeraysay DF ee Soomaaliya, waxaana kooxahaas  markii laga adkaaday qaar u galeen DF ee soomaaliya , halka qaarka kale ay u galeen Al-shabaab uuna ka mid yahay Col. Barre Hiiraale oo la sheegayo in loo bixiyey Abuu Yuusuf.

Sikastaba, M/kuxigeenka ayaa ugu baaqay ciidamada amaanka ee Jubbaland State in maalinka beri ah wixii loo gaaro 6 saac oo duhurnimo aan ciidamo la besan aan lagu arki karin guddaha magaalada Kismaayo , aan ka ahayn kuwa lagu og yahay amaanka magaalada , kii lagu arkana loo aqoonsanayo inuu ka mid ahaa kuwa shacabka dhibaatayn jiray.

Baaqa Madaxweyne kuxigeenka ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee loo jeediyo ciidamada amaanka Jubbaland State, waxaa arrintani lagu sheegay in lagu xaqiijinayo maamul wanaaga iyo xaaqiijinta ammaanka deegaanka.

Maamulka Jubbaland State ayaa ka soo bogsanaya Boogihii dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo bishii jun , waxaana soo hagaagaya  ammaanka magaalada, ganacsiga ayaa ah mid xowli u socda, dad badan oo horay uga qaxay magaalada kuna jiray Xeryaha qaxootiga ayaa iskood ugu soo laabanaya magaalada.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State.

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>