Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Baydhabo oo laga dareemay ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia qaarkood iyo Alshabaab oo soo weeraray Duleedkeeda (Warbixin)

$
0
0

Maalmihii ugu danbeeyey ayaa laga dareemayey guddaha magaalada Baydhabo ka bixitaanka Cutubyo ka mid ah ciidamada Ethiopia , kuwaas oo la sheegay inay u wareegayaan dhanka Jubbooyinka.

Ciidamada Ethiopia oo ka baxay qaybo ka mid ah gobolka Bay.

Ciidamada Ethiopia oo ka baxay qaybo ka mid ah gobolka Bay.

Ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia qaarkood ee magaalada Baydhabo,  ayaa keentay in Wasiirka Gaashaandhiga DF ee Soomaaliya C/xakiim Fiqi inuu Safar deg deg ah ugu ambabaxo magaalada Addis Ababa , si uu dowlada Ethiopia ugala soo xaajoodo arrimaha cakiran ee dhanka ammaanka ah iyo sababta keenaysa in ciidamada Ethiopia uga baxeen qaybo ka mid ah gobolka Bay.

Waxaa kaloo la sheegayaa in Wasiirka Gaashaandhiga uu dhanbaal qoraal ah ka waday madaxweynaha DF ee Soomaaliya , dhanbaalkaas oo Madaxweynuhu ugu codsanaayo dowlada dhexe ee Ethiopia in ay ciidamadeeda sii joogaan  magaalada Baydhabo.

Inkasta Wasiirka Gaashaandhiga DF ee Soomaaliya uu ku sugan yahay Addis Ababa, haddana weli ma soo baxin warar sheegaya in codsigaas laga aqbalay iyo in kale.

Sababta keentay in Cutubyo ka mid ah ciidamada Ethiopia ay ka baxaan Baydhabo ayaa la sheegayaa in lug ku leedahay siyaasadii khaldanayd ee uu Madaxweyne Xasan uu isticmaalay deegaanka Jubbooyinka iyo dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo ee khal khal siyaasadeed  lagu gelinayey magaalada Kismaayo , si magaalada ay u noqoto magaalo labo kooxood kala haystaan.

Dagaaladaas ayaa lagu eedeeyey DF ee Soomaaliya, iyadoo dagaaladaas u istimaashay hantidii qaranka Soomaaliya,  oo lagu maalgeliyey qab qableyaal dagaal oo taageersanaa DF ee Soomaaliya.

Ka bixitaanka ciidamada Ethiopia qaarkood ay ka baxeen  magaalada Baydhab0 ayaa keentay in Xoogaga Al-shabaab ay haweystaan soona weeraraan habeenkii Xalay ahaa Fariisimo ay ciidamada Df ee Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo, waxaana la xaqiijiyey in dagaalkaas ay labada dhinac ka soo gaartay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka aan ka helayno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Baydhabo aysan waqtigan  xajin karin ammaanka gobolka Bay , haddii labada dhinac ee Ethiopia iyo DF ee Soomaaliya aysan gaarin iskaashi labada dhinac ah oo ku aadan ammaanka gobolka.

Puntlandpost, Baydhabo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>