Garoowe: (pp)- Ciidanka amaanka Puntland ayaa xalay qabtey lacag shilin soomaaliya oo lagu soo qariyey gawaarida xamuulka qaada, iyadoona tirada guud lacagta la qabtey ay tahay 190-Malyan oo Bosaso iyo Garowe lagu kala qabtey, sida uu saaxafada u sheegey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).
Lacagtan 190-Milyan ee Shilin Somaliga ah ayaa 100-Milyan oo ka mid ah lagu qabatay gobolka Nugaal,halka 90-Milyna lagu qabtay magaalada Boosaaso,hawlagalada lagu qabtay ayaa dhacay 24-saac ee la soo dhaafay.
Qawdhan oo ay weheliyaan Guddigii dhawaan uu madaxweynaha Puntland u magacaabay daraasaynta iyo talo bixinta dhaqaalaha iyo sarifka Lacagaha ayaa mahad balaaran u jeediyey Ciidamada amaanka oo u xusay inay heegan ugu jiraan la socodka awaamiirta lagu mamnuucay in lacagaha laga gudbiyo gudaha Puntland.
Mudane Abdi Ibraahim waxa uu digniin u direy dadka ku howlan jabinta amarka dowlada iyo gaadiidka lagu soo qariyo lacagta oo uu sheegey wasiirku in ay talaabo ka qaadayaan islamarkaana la wareegayaan lacagtooda sidii horey loogu sheegey amarkii dhawaan kasoo baxay wasaarada Maaliyada Puntland.
Dhanka kale wasiirka ayaa ka warbixiyey dood labadii maalmood ee u danbeysay u dhaxeysay guddiga Madaxweynuhu dhawaan u magacaabey daraaseynta dhaqalaha Puntland oo uu sheegey in ay maalmaha soo socda kasoo saari doonaan kulamadooda najiitooyin horudhac ah .
Mudane Qawdhan oo ah Gudoomiyaha guddigaas waxa uu intaas raaciyey in ay jirri doonaan buugaag iyo sharciyo ku saabsan xadeynta dhaqalaha Puntland si wax looga qabto .
Puntlandpost, Xafiiska Garoowe, Puntland