Wuxuu aragtidiisii ku bilaabay sidan:
Kadib markii aan aragnay is qab qabsi ka soo ifbaxay dorashada lagu waday in ay dhacdo July 15 2013, taasoo oo keentay in dad reer Puntland ah ku nafwayaan is fahan lanaan jirta awgeed, aniga waxaan qabaa in dorashadaas dib loo dhigo ilaa muddo halsano ah.
Sababaha keenay in doorashada dib loo dhigo;
- Iyadoo Puntland ay yeelatay dastuur cusub kaasoo ka saaray dalka kumeel gaarnimadii. Dastuurkasi wuxuu noo shegayaa in aan Puntland dib loogu celin Karin habkii is ku doorashada Qabiilka.
- Dowladu waxay ka gaabisay kana caga jiday in ay arimahaasi loo igmaday ku soo dhamayso mudadkii hore ee loo cayimay ee ahaa muddo afar sanadood iyo sanad dheeri ah oo loogu daray. Danbigii halkaas ka dhacayna waxaa eedeeda leh Dowladda.
Sidee lagu xalin karaa is maandhaafkaas iyo habacsanaanta ku timid in la gaariwaayo yoolkii Puntland ee horumarinteeda.
Conflict resolution, waxaa Aasaasi ah si xalka loo helo (compromise) tanaasul iyo wada shaqayn. Waxaan ka mahad celinayna sida dowladdu u hakisay dorashadaas, laakiin intaas ka badan baa dowladda looga baahan yahay, sida in ay Dowladduna ka tanaasusho in ay iyada u tahay dalka dowlad sharci ah oo waqtigeedii loo soo doortay uusan wali dhamaan xaqna u leeyihiin in ay dalka ayaga oo kaliya taladu ka go’do sideey rabaana ka yeelaan.
Marka Dowladdu waa in ay ka talo galiyaan sida ay wax u wadaan shareholders ama dadka ay taladu ka go’do sida Isimada iyo wax garadka kale ee Puntland.
In ay dowladdu isugu yeerto shirna u qabato dad kooban oo Bulshada qaybaheeda kala duwan ah, lana waydiiyo sida wadanka looga saari lahaa jahwareerka iyo is qabsabsiga soo noq noqday doorasho kasta dibna aan loogu noqon qadalaadkaas. Hadii dadka taladooda la dhagaysto dorashada way u soo baxayaan amaankana ayagaaba sugaya.
In xukumada hada jirta, Baarlamanka iyo guddiga doorashadaba la kala diro, kaliyga laga reebo madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.
Ururada hadda jiraana sidooda loo dayo lakiin la furo diiwaan galin cusub si ururo cusub oo siyasadeed ugu soo biiraan, si fursad loo siiyo dad badan oo misaan siyaasi ah leh laakiin hadda ka maqan masraxa.
In dib loo dhiso Gudi dhax dhaxaad ah oo doorasho, iyo xukuumad si aysan u dhicin in dowladdu loogaga shakiyo ku shubasho doorasho, iyo in loo arko dowladdu in ay samaynayso hal xisbi oo weyn oo anan lala tartami karin iyadoo adeegsanaysa awooda dowladeed oo dadka ka dhaxaysay.
In la sameeyo hanaan roadmap ama qariidad si wada jir ah taasoo ka saraya wadanka jahwareerka hadda jira, laguna mudeeyo halsano iyo lixda bilowd ee hadda ka harsan sanadkan. Ka dibna doorasho loo dareero.
In la wada dhiso muddadaasi sanadka ah dowlad midnimo qaran ama national unity oo mucaarad iyo muxaafidba ka kooban. loona dajiyo dalka siyasad fog oo jiilba jiilka kale ka dhaxlo :-
Puntland markii hore waxaa loo dhisay in lagu gaaro dhismaha dowlad soomaaliyeed, kadib markan aragnay in dalku faderaal qaatay dowladii dhexena aysan sidaan u lisnay noogu hanbeen maxa noo dan ah waa in la is waydiyaa, 10-sano ee soo socota Puntland waa in ay xudoodo rasmi ah yeelataa loona diyariyaa in ay noqon karto DAL madax banaan markii loo baahdo.
Hadii intaas la isla helo maxaa la filan karaa ?
Hadii sidaani wax ku dhamadaan wadanku wuxuu ka baxayaa nidaamkii beelaha wuxuna u gudbayaa nidaamka xisbiyada badan, horumar iyo dowlad kasta oo dhisanta loo helo mucaarad dadka tusa qaladaadkeeda, taas oo dalka horumar u keenaysa, dadkuna waxay wax ku doorandoonaan yaa wax inoo qaban kara.
Mahmud Janagle, Ireland, Cork