Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

R/kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda oo maanta dib ugu soo laabatay Muqdisho kadib safar shaqo oo ay ku tagtay Nigeria.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E Fawsia Yusuf Haji Adam ayaa maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho kadib markii Magaalada Abuja ee Caasimadda Nigeria ay uga qeyb gashay shir madaxeed gaar ah oo ay iskugu yimaadeen Madaxweynayaasha iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika , kaasoo Ururka Midowga Afrika uu soo qaban-qaabiyay .
DSC01133Shirkani oo looga dooday qaabkii looga cirib tiri lahaa qaaradda Africa Virus-ka HIV Aids-ka , TB iyo Malaria , ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay halkaasi ku bandhigtay aragtideeda xal u helidda dhibaatadani dib u dhigtay horumarada ay qaaraddu ku tallaabsan laheyd.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , ayaa markii ay maanta ka soo degtay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay halkaasi Danjire . Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Diblomaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan .

Isha Warakan: Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>