Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland oo taageeray go’ aankii xukuumada Puntland

$
0
0

Allaah baa mahadleh nawaafajiyey talada teeda wanaagsan, anagoo ah jaaliyada walaaha ah ee Puntland iyo Jubaland ee caasimada labaad ee UK, Birmingham waxaan soo dhawaynaynaa go aankii xukuumada Puntland ka qaadatahay doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland.Waxay ahayd arin muujinaysa sida madaxda iyo wax garadka reer Puntland aysan shacabkooda marna ugu ogolayn in ay dhibaato soo gaarto, taariikhda baal dahab ah bay ka galaysa taanaasulka madaxda puntland markii ay timaado xaalad aad loogu kala aragti duwanyahay waxay ahayd arin horay looga bartay waxayna tusaale u noqonaysaa dhamaan umada soomaaliyeed in ismaandhaaf kasta lagu xalin karo qaab nabadgalyo iyo isu tanaasul wanaalnimo.

 

Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland oo taageeray go aanka xukuumada Puntland

Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland oo taageeray go aanka xukuumada Puntland

Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan shacab waynaha reer Puntland in ay gacmaha is qabsadaan ilaalinyaana amaanka iyo wadajirka Puntland, hanaanka geedi socodka dimocraadiyadu way soconaysaa Puntland na way gaaraysaa in qofkasta hogaankii dalka codkiisa ku doorto..

Madaxda dawlada iyo dhamaan wax garadka waxaan ugu baaqaynaa in ay shaqaaqooyinkii dhacay xaliyaan si ay meesha uga baxdo gacmo shisheeye oo ka faa iidaysta

Puntland ha noolaato cidii necebna ha ha dhacdo,

Puntland and Jubaland Joint community

Birmingham UK 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>