Kismaayo: (pp)- Magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka J/hoose ayaa waxaa ka socda howlgalo wax looga qabanayo ammaanka magaalada oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen kooxo dhibaatooyin u geysata dadka shacabka ah ee magaalada ku nool oo xilliyada habeenkii kula kaca falal ammaankooda wax u dhimaya. Waxaa kaloo magaalada ka dhacay asbuucii tegay falal qaraxyo ah oo lala beegsaday ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM ee kaaliya kuwa Jubbaland State.
Ciidamada ammaanka Jubbaland State oo howlgalo xiriir ah ka bilaabay magaalada, ayaa lagu arkayaa goobaha muhiimka ah ee magaalada , waxayna istaajinayaan dadka ay uga shakiyaan inay ku hubaysan yihiin Hubabka ay ka mid yihiin Bistooladaha iyo Qoryaha, ciddii ay ku helaana ay u taxaabayaan xabsiga dhexe ee magaalada.
Ciidamada ammaanka, ayaa dhanka kale kormeero ku haya meheradaha laga qaxweeyo ama cuntooyinka kala duwan laga cuno, waxayna ciidamadu ay xireen meherado badan oo si sharci darro ah u furnaa , iyadoo dadkii ka shaqaynayana meheradahaas iyo kooxo kale oo Masoomayaal ah loo taxaabay xabsiyada.
Maamulka sare ee Jubbaland State ayaa amray inta lagu jiro bisha Ramadaan inaan la furi karin goobaha Makaayadaha ah , maadaama lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, cidii lagu arko iyagoo ka ganacsanaya maqaayadaha laga qaadi doono talaabo sharciya.
Shacabka Magaalada ku nool , ayaa howlgaladan soo dhoweeyey , kuwaas oo dhanka kale sheegay in howlgaladan loo baahnaa in faliyo waqti hore.
Puntlandpost, Kismaayo; Jubbaland State