Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: Dalalada ay ku midaysan yihiin Ururada aan Dowliga ahayn ee PUNTSAA oo ku baaqay in la adkeeyo Nabadgelyada Puntland

$
0
0

Dalalada ay ku midaysan yihiin Ururada aan Dowliga ahayn ee PUNTSAA oo shir saxaafadeed qabtay maanta ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta iyo shacanbka Puntland in la adkeeyo Nabadgelyada Puntland.

Madaxad Dalada PUNNSAA ayaa sheegay in door muhiim ah  ay ku lahaayeen hirgelinta Nidaamka Asxaabta badan iyo qabsoomida doorashooyinkii dowladaha hoose ee laga hirgelin lahaa Puntland.

Madaxda ayaa sheegay oo kale in markii ay qiimeeyeen isbedelka Puntland ka dhacay,  laguna joojiyey doorashooyinka ay qaateen go’aan ah in ay baaq nabadeed u jeediyaan shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland.

PUNSAA oo ku baaqday in la adkeeyo Nabadgelyada Puntland.

PUNSAA oo ku baaqday in la adkeeyo Nabadgelyada Puntland.

Burhaan Axmed Daahir oo baaqaas akhriyey ayaa wuxuu baaqaas si toos ugu diray Siyaasiyiinta, waxgaradka, iyo bulshada Puntland qaybaheeda kala duwan.

Burhaan ayaa yiri “Siyaasiyiinta,waxgaradka iyo shacabka Puntland waxan ku boorinaynaa inay u midoobaan ka shaqaynta jiritaanka iyo xasilooniada Puntland,iyagoo khilaafka jirana ku xalinaya si nabadgalyo iyo wada tashi ku dhisan”.

Masuulkan dalada u hadlay ayaa soo jeediyey in Puntland ay mar walba u baahan tahay in ay ka gudbto nidaamka qabiilka ku salaysan ,isla markaasna ay Puntland u gudubto nidaamka asxaabta badan. Waxay kaloo daladu ku baaqday in dadka waxgaradka ay doorkooda ka qaataan wanaajinta iyo nabada Puntland.

Sikastaba, nidaamkii asxaabta badan markii ay dowladu joojisay ,kaddib markii ay ka baqday in wadanka ay ka abuurtaan xaalado madegenayaal ah, ayaa waxaa soo dhoweeyey go’aanka ay dowladu qaadatay shacabka Puntland,siyaasiyiin jagooyin sare ka qabtay dalka ,  kuwaas oo dowlada Puntland ku dhiirigeliyey go’aanka ay qaadatay, waxaa kale oo go’aankaas taageeray qaramada midoobay kuna tilmaamay go’aanka Puntland mid ay ku dheehan tahay masuuliyad , kulana taliyey Puntland in sii wado barnaamijka xisbiyada badan.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>