Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

BOOSAASO: Taliyaha Ciidamada Badda Puntland “mataageersanin lacagtii madaxfurashada ahayd ee laga bixiyay markabka MT Smyrna” (Dhegayso)

$
0
0

Boosaaso: (PP)_ Dowlada Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay tallabadii lacagta madax furasahada ah looga bixiyay markabka MT Smyrna oo waday hal milyan oo shidaal ceyriin ah oo ay kooxo buracad badeed ahi in muddo ah kuhaysteen xeebta deegaanka Murcanyo ee Gobalka Bari.

Siidaynta Markabkani ayaa kadamaysay kadib markii kooxdii haysatay lasiiyay lacag gaaraysa 9- milyan oo doolar taasi oo sahashay inay siidaayaan markabkaasi.

dhegayso codka Gen. Cabdirisaaq Diiriye Faarax

Taliyaha Ciidamada Badda Puntland

Taliyaha Ciidamada Badda Puntland

Taliyaha ciidamada Badda ee Puntland Gen. Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo waraysi siiyay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay inaysan marna taageerayn wadiiqo kasta oo  lagu dhiiri geliyo kooxaha burcad badeeda ah ayna kasoo horjeedaan lacagaha madax furasahada ah ee lasiiyo.

Gen. Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in ciidmada badda Puntland ay ka go,antahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen cidkasta oo isku dayada buracad badeednimo waxaana uu intaasi raaciyay in xiligani aysan jirin wax gadiid badeeda oo lgu haysto xeebaha Puntland.

Taliyaha  ayaa dhinaca kale sheegay inay ladagaalami doonaan falalka tahriibka ee laga raro xeebaha Puntland, isagoona intaasi kudaray inay wadaan qorshayaal lagu samaynayo fariisimo ay ciidanku ku beegsadaan goobaha laga raro tahriibka ee sharci darada ah.

Ciidamada Badda Puntland ayaa intii ay jireen waxay guulo wayn ka gaareen sidii ay uyaran lahaayeen kooxaha burcad badeeda, waxaana laxasuustaa dhowr jeer oo ay hawlgalo ay sameeyeen kusoo furteen gaadiid iyo dadkii saarnaa oo ay haysteen kooxo burcad badeed ah.

Maxamed Madani

Puntlandpost_Boosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>