Garoowe: (pp)- Munaasabadii lagu maamuusayey 15 sano sano guurada kasoo wareegtey Aas aaska Dowlada Puntland ee xalay lagu qabtey xarunta Madaxtooyada Garowe ayaa marka laga yimaado dhinacyadii kasoo qeyb galay ee Goloyaasha Dowlada Puntland, Shacabka, Culimada iyo Sugaanyahanada ayaa waxaa sida la oran karo si weyn uga dhex muuqdey kasoo qeyb galkeeda Golaha Issimada Puntland oo ay ka joogeen munaasabada xubno badan oo ka mid ah , kuwaas oo ka kala yimid Gobolada Puntland.
Qaar ka mid ah Isimadii kasoo qeyb galay ayaa hadalo micno badan xambaarsan kasoo jeediyey Xaflada 1 Augsto , kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay Arrimaha Somalia oo ay ka hadleen dhowr qodob oo ku saabsan sida dhanka siyaasada xilligan wadanka ka muuqata iyo dhaliilaha ka jira xiriirka Puntland iyo Dowlada Federalka.
Halkan ka dhageyso Khudbada Saddexda Isim.
Dhanka kale Issimadu waxay ka hadleen Marxalada kala guurka Puntland iyo Joojintii doorashooyinkii Golaha Deegaanka Puntland, Iyagoona farta ku goday inay Ummada reer Puntland farayaan nabadgalyada iyo horumarka deegaankooda ka jira oo ay ilaashadaan.
Isimada oo saddex ka mid ah isimada soo jireenka ah u wakiishey inay xaflada uga hadlaan ayaa waxa ka mid ahaa saddexdaas Isim ee u hadlay Isimada Puntland, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin , Suldaan Siciid Irbad iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed, kuwaas oo khudbadahooda badi xooga ku saarey ilaalinta nabadgalyada iyo hormarka ay gaartey Puntland oo ay sheegeen Isimadu in looga baahan yahay muwaadin walba oo Puntlander ah xil uu iska saaro.
Hadalada Isimada oo aan lahayn dhaliil iyo eedeyn midna ayaa waxay u muuqdeen mid ay kula dhacsan yihiin horumarka ay sameysay Xukuumada Dr Faroole oo dad badani aaminsan yihiin inay tahay Xukuumadii ugu horeysay ee Puntland ka hirgalisa barnaamij horumarineed oo leh Astaan iyo Midab lagu garan karo.
Hadaba si aad u dhuuxdo hadalada Isimadu kasoo jeediyeen Xaflada 1 Augsto ee Garowe lagu qabtey halkan ka dhageyso codadka saddexda Isim oo dhameystiran.
Puntlandpost.com
Garoowe Office.