Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22940

Cadaado: Xasuuq haween iyo caruur loo geystey oo ka dhacay Gobolka Galgaduud,Sawiro.

$
0
0

Cadaado:(pp)- Xasuuq arxan daro ah ayaa waxa uu ka dhacay labo habeen ka hor meel 128 km u jirta Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud , ka dib markii qoys u badan haween iyo caruur ay maleeshiyo hubeysan ku xasuuqeen iyaga oo hurda ardaaga gurigooda oo ku yaalay meel baadiye ah.

2Sida ay Puntlandpost u sheegeen dadka deegaanka Cadaado xasuuqan ayaa sida la sheegey waxa uu dabo joogay aano qabiil oo horey deegaankaas uga dhacdey, waxaana la sheegey in dadka deegaanku dhacdadan foosha xun ay ka wada naxeen.

Mudooyinkii u danbeeyey ayaa waxa ka dhacayey deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud dagaalo beeleedyo saameyn ku yeeshey bulshada birimageydada ah, waxaana la sheegey in khatarteeda uu leeyahay xasuuqani.

Lama garan karo sababta ay maleeshiyo beeleedyada hubeysan u bartilmaameedsanayaan maaltada ka caagan sida horey loogu aqoon jirey dhaqanka Somalida in loo geysto dil iyo wixii la mid ah sidii horey loogu aqoon jirey dhaqamada Somalida oo ay mamnuuc ka yihiin haweenka iyo caruurta in lagu waxyeeleeyo dagaalada u dhexeeya qabiilka.

1 3

Puntlandpost.com
Cadaado.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22940

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>