Baydhabo: (pp)- Banaanbaxaan ayaa yimid kadib markii Raashiinkii Masaakiinta loogu talagalay ee soo dhiibtey Hay’ada Bisha Cas Turki ay iibsadeen Shaqaalo Kasocdey Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane M.Osmaan Jawaarey & Maamulkii Waqtigiisa Dhamaadey.
Raashiinkaa La Boobey ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey baydhabo maalmo ka hor waxaana Wasaarada Arimaha Gudaha ay usoo dhiibtey Xafiiska jawaarey , ayadoo sidoo kale Jawaareyna usoo dhiibey rag magacyadooda lagu sheegey Siid Cali oo ahaa Ninkii Sheegen jirey M. Koonfur Galbeed & Nin La yiraahdo GOON QAASIM oo labaduba ka tirsan shaqaaliyaasha Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari.
Ilaa 3 Baabur Ina Taree raashiin ah ayaa lasoo xaqiijiyey in ay iibsadeen Ragii ka socdey Xafiiska Jawaarey waxaa sidoo kale Loo Gacan Geliyey Mamaulkii Waqtigiisa Dhamaadey 7 Baabuur Raashiin ah taasoo ay mamaulkuna bilaabeen in labo mamalmood ay shaacbka reer Baydhabo kusiiyaan Boonooyin aan dadkii weli wax lagu siinin , waxaa la sheegey in dadkaasi Gacamaha loo geliyey boonooyin qaleel ah markii ay sugayeen in raashiinkii loo qeybiyana waxaa dhacdey in Maamulkii ay boobaan.
Maalintii Shalay ayaa wax rashiin ah dadka lasiinin waxaana mamaulku ay ku candacoodeen iney jirto Tacsiyo taasoo xaq aheyd laakiin manta markii dadkii qaxootiga ahaa oo wada sooman waayeel , dumar iyo boos badan ay gaareen halkii raashiinka yaaley oo aheyd xerada ciidanka meleteriga CALASALAAMEY ayaa waxay la kulmeen raashiinkii oo Gawaari Tikniko ah lagu gelbinayo oo lakala qeybsadey waxaana Tiknikadaasi watey Taliyaha Ciidanka xooga soomalaiyeed qeybta 60-aad Ibraahim Yerow iyo qaar kamid ah maamulkii Waqtigiisa Dhamaadey.
Dadkii Banaanbaxayey ayaa waxay eedeeymo ujeediyeen Wadaarada Arimaha Gudaha oo Raashiin masaakiin loogu tala galay Ku aaminey Maamul Waqtigiisa Dhamaadey oo ka jira Aruursasho, waxaana dowlada Soomaaliya & Tukiga oo Raashiinkaan ka imaadeyba Loogu Baaqey in Dadkii Masaakiinta ahaa Aan waxba helin 2 maalin dhowr qofood boonooyin dhowr Kiilo lasiiyey laakiin rashiinkii La Iibsadey.
Puntlandpost.com