Oug 15 Sano ka hor ayeey aheed markii Dhidibada Loo Aasay Dawlad Puntland Taa oo laga Aas Aasay Waqoyi Bari Somaliya.Hadaba Munaasbad Lagu Weyneenayay maalintaasi ayaa Ardayda Dawlad Puntland ku Dhigteen Caasimada Sudan Ee Khattoum iyadoona Munaasbadu aya Goob Joog ahaayeen
Madax Matalaysay Midowga Ardayda Somaliyed ee Sudan Fanaaniin safarada somaliyeed ee sudan Qeybo ka Mid ah Jaaliyada Ku Dhaqan Khartoum iyo ardadyda Dalkani Wax Ka Barta Qaarkood Waaxse Munaasabda Soo Qaban Qaabiyay Dallada Mideesa Ardayda Puntland.
Furitaanki Quraanka Kariimka Ka dib Waxaa Qudbado Meello Badan taabaneesa Ka Jeediyay Xubnihii Ka sooo Qeyb Gallay Munaasbda Ibraahiim Guure oo ah Qunsulka Safarada Somaliyeed ee Sudan o xaadir ahaa Munaasabda ayaa Kallimad Ka jeediyay isgoona amaanay Hanaaanka iyo Qaabka ay ardaydu u soo Bandhigeen Munaasbda,Wuxuu ugu Baaqay Dawlda Puntland in ay Ka sii Badiso Dadaaallkeda Si ay U sii Gaaraan Horumaro Ka badan inta ay iminka ku Tallabstay, Waxaa isna Qudbad ka Jeediyay Gudoomiyaha Ardayda Puntland c/risaaq Qalin Mr Qalibnle waxaa uu taabtay Qodobo Badan isgoona Sheegay in ay Ka Urur Ahaan Dadaal Walbo ugu Jiraan Horumarka Ardayda uu Madaxda u Yahay isgoona Raaciyay Hadalkiiisa in Dawlada Somaliyeed Xayiraada Dhanka Shahaadooyinka Ka Qaado Puntland
Munaasbada waxaaa dhexda Loo dhigay Heeso ay ku Luuqeyeen Qaar ka mid ah Fanaantiii Ka soo Qeyb gashay Muuqaal Ka turjmya Taariikhda Puntland iyo ruwaayado ay Ku haasaaween ka soo Qeyb Galyashi Kullanka.
Dr Maxamed Axmed Cabdi”Dr Food” oo ka mid ah Aqoonyahanada iyo Ardayd Dalkani wax ka Barta oo Munbasbada Ka dib Noo warmay Ayaa Dareenkiisa ku Aaadan 1 oug Cabiray”Wallahi aad baan ugu Farxsanahay Sida wanaagsan ee loo Soo Qaban qaabiyay Munaasbda aad baana u soo Dhaweeyneena Ka arday ahaan Waxaana Bilad Sharaf Mudan Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxmaed “Farolle”
Oo Tanaasul Ku daysho Leh sameeyay.
Si Kastooy tahayba dawld Ee Puntland waxaa ay ka Mid tahay Goobaha Ka Nabad Galay Dagalldi Ahligaa ee Ka dhacayay Dalka Iyadoona Lagu Tiriyo Gobollda Ugu Nabdoon Soomaliye
Guud ahaanba Gobolada Puntland si weyn ayaa Looga Maammusayy Maalintaani Muga ku Leh Halka Dunida Daafaheeda ay ka Xuseen Jaaliyada Puntland.
Jaamac Ukun
Khartoum Sudan