Muqdisho: (pp)- Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamud ayaa maanta ka dhoofey magaalada Muqdisho, waxaana uu kusii jeeda isaga iyo wafti uu hogaaminayo Magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha, halkaas oo uu uga qeyb galayo shir ay ku yeelan doonaan Madaxweynayaal Afrikaan ah gaar ahaan kuwa ciidamadu ka joogaan Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada Koonfurta Somalia.
Ujeedada ay u shirayaan Madaxweynayaasha ay ka joogaan ciidamada AMISOM qeybo ka mid ah Somalia ayaa lagu sheegey inay la xiriirto sidii ay u dar dar galin lahaayeen howl-galka ciidanka nabad ilaalinta ee ka dhanka ah kooxda Alshabab.
Afhayeenka Madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho Eng C/raxmaan Yariisow oo saxaafada uga warbixiyey shirka Kampala ku qabsoomi doona ee uu ka qeyb galayo Madaxweynaha DF Somalia.
Eng Yariisow ayaa sheegey in shirkaasi oo furmi doona maalinta beriya oo Axad ah uu kulankaas shir gudoomin doono Madaxweynaha Dalka Ugandha Yuweri Museveni oo isagu marti galiyey Madaxda shirkan lagu casumey inay kasoo qeyb galaan.
Puntlandpost.com
Muqdisho.