Garoowe: (pp)- Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Horseed ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa Shalay galinkii danbe oo ku beegnayd 19 Mar 2013 , ku magacaabey qoraal uu soo saarey xubnaha guddiga fulinta ee golaha dhexe ururka horseed.
Tirada xubnaha uu magacaabey gudoomiyaha ururka horseed ayaa gaareya 21 xubnood , loo magacaabey xilal kala duwan.
Qoraalka hoose ka akhriso magacyada xubnaha loo magacaabey gudiga fulinta ee ururka horseed iyo jagooyinka loo magacaabey.
1-Xog.Arimaha Bulshada - Cabdicasiis Axmed Dhahar
2-Xog.Arimaha gudaha iyo xiriirka gobollada Jaamac Yaasiin Jaamac
3-Xog.Xiriirka caalamiga & Qurba joogta Xasan C/qaadir Xasan
4-Xog.Warfaafinta- C/Shukuur Mire Aadan
5-Xog.Qaaraanka & Dhigaalka – Nimco Axmed Maxamuud
6-Xog.Ganacsiga & Warshadaha Xuseen - Jaamac Cismaan
7-Xog.Daryeelka & Xuquuqda Aadanaha – Daahir Xaaji Khaliif
8-Xog.Abaabulka & Wacyigelinta – Maxamed Faarax Ciise
9-Xog.Arimaha xibisga & Shuruucda - Axmed Jaamac Cabdule
10-Xog.Qorshaynta – Axmed Cismaan Shibiin
11-Xog.Amniga - Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye
12-Xog.Cadaalada & Arimaha Diinta- Axmed Ismaaciil Suldaan
13 Xog.Dhalinyarada iyo Sportiga – Maxamed C/raxman Maxamed
14-Xog.Arimaha Federaalka - Saadiq Abshir Garaad
15-Xog.Kaluumeysiga – Warsame Axmed Shido
16-Xog.Diiwaagelinta & kaydinta Documents-ka – Maxamed Axmed Cismaan
17-Xog.Haweenka – Faadumo Maxamed Yuusuf
18-Xog.Iaalinta deegaanka & Duurjoogta - Fawsiya Maxamed Caluula
19-Xog.Hidaha iyo Dhaqanka – Cabdulaahi Cali Nuur (Qood)
20-Xog.Dacaayada & Barnaamijyada Xisbiga - Siciid Maxamed Ismaaciil
21-Xog.Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha – Cabdixamiid Shiikh C/salaan
Ururka horseed waxa horey ay u doorteen Gudoomiyaha ururka , Labo gudoomiye ku xigeen iyo xoghayaha guud ee urur, kuwaas oo lagu ansixiyey shirweynihii ururka ee ka dhacay Garoowe horaantii bisha 2 aad ee lasoo dhaafey.
Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garowe.