Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Labo agaasime oo la kala wareegey xilalka Hay,adda PHA Magaalada Garowe (Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Xarunta hay,adda PHA Puntland high way Authority ayaa maanta lagu qabtey xaflad xil wareejin ah oo ay xilalka kula kala wareegayeen Agaasimihii hore ee hay,adda iyo Agaasimaha cusub ee dhawaan madaxweynaha Puntland uu soo magacaabey.

Labo agaasime oo xilal la kala wareegay

Labo agaasime oo xilal la kala wareegay

Waxaa kasoo qeyb galey xil wareejinta xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, Xillibaano, xubno ka socdey ururada aan dowliga ahayn iyoshaqaalaha hay,adda PHA , iyadoona goobta laga soo jeediyey heerarkii kala duwanaa ee hay,addan soo martey .

Agasimaha cusub iyo midkii horre

Agasimaha cusub iyo midkii horre

Agaasimihii horre ee hay,adda PHA Xasan Cismaan oo ka hadley xaflada xil wareejinta ayaa sheegey in uu ku faraxsan yahay qabsoomida munaasabada , isagoona sheegey mudadii uu madaxda u ahaa hay,adda in ay wax badan kasoo qabteen howlo kala duwan oo la xiriira dayactirka wadooyinka ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Agaasimaha Cusub PHA

Agaasimaha Cusub PHA

Agaasimaha cusub ee hay,adda Maxamud C/nuur ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegey in uu xilkan loo igmadey kasoo bixi doono waajibaadkiisa , iyadoona uu sheegey in uu la tashiyo iyo wada shaqeyn uu uga baahan yahay damaan xubnihii kasoo shaqeynayey hay,adda mudooyinkii u danbeeyey.

Gudoomiya Kaalo Iyo Jamacada PSU

Gudoomiya Kaalo Iyo Jamacada PSU

Gudoomiyaha ururka Kaalo ahna Madaxweynaha jamaacada PSU Maxamud Shiikh Xaamid oo ka hadley munaasabada ayaa sheegey in uu kula dardaarmayo masuuliyiinta hay,addani dareen daacadnimo oo dhab ayna wax kaga qabanayaan howlaha faraha badan ee horyaala.

Wasiir ku xigenka Howlaha Guud Iyo Gadiidka

Wasiir ku xigenka Howlaha Guud Iyo Gadiidka

Ugu danbeyntii waxaa xaflada soo xirey Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Faarax Cali oo sheegey in hay,addani wadooyinka ay ka mid tahay xarumaha dowligaa ee hoos yimaada Hay,adda wasaarada howlaha guud iyo
gadiidka, isagoona intaas ku darey in shaqadeedu tahay dayactirk wadooyinka burbursan .

Kasoo qeyb galayaasha Xaflada xilwareejinta

Kasoo qeyb galayaasha Xaflada xilwareejinta

Agaasimaha xilka hay,adda maanta la waregey ayaa noqonaya agaasimihii lixaad ee loo soo magacaabo hay,ada PHA oo horey  loo oran jirrey NESHA tan iyo intii la asaasey hay,adda oo ahayd sanadkii 1998-dii .

Madaxda Hay,adda iyo Martidii kasoo qeyb gashey

Madaxda Hay,adda iyo Martidii kasoo qeyb gashey

Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>