Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

WAR-SAXAAFADEED: Ururka UDAD oo ka digey damac ay Dawlada PL ku doonayso in doorashada lagu galo bilaa diwaan gelin.

$
0
0

 

UJEEDDO: WAR SAXAAFADEED

ud

Waxaa ururka UDAD isagoo indhaha ku haya xaaladda dalku marayo isla markaasna diiradda saaraya siday  doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda ugu dhici lahaayeen jawi caddaaladi ku jirto, ayna uga run sheegi lahaayeen rabitaanka shacabka Puntland uu soo saaray qodobadan hoos ku qoran:

 

1.Waxaan aad u cambaaraynaynaa mooshinka ay xukuumaddu  u soo gudbisey Barlamaanka si looga saaro xeerka doorashooyinka golayaasha degaanka ee dawladaha hoose oo la ansixiyey July 2012 qodobka 3aad, iyo kan 4raad oo kala ah shuruuda aqoonsiga  muwaadinka iyo isdiiwaangelinta codeedayayaasha ka hor maalinta doorashada

 

2.Waxaan welwel ka qabnaa  go’aanka Barlamaanku hadda jira uu ka damacsan yahay beddelaadda  qodobadaas asaasiga ah, annagoo ka rajeyneyna inay garsoor hufan la yimaadaan, kana fogaadaan wax alla iyo wixii keeni kara khalkhal amni iyo ku shubasho

 

3.Waxaan aad  ugu boorinaynaa xubnaha Barlamaanka inay tixgeliyaan bayaanka shanta urur siyaasadeed ay sida wadajirka u soo saareen oo xambaarsan qodobbada lama huraanka u ah habsami u socodka doorashada golayaasha degaanka ee soo socda.

 

4.Waxaan ugu baaqayna xubnaha barlamaanka hadda jira inay kula xisaabtamaan dawladda mushahaar la’aanta ku dhacday shaqaalaha, ciidammada kala duwan iyo hayadaha amniga  laga soo bilaabo oktoobar 2012, halkay cududaar  ugu raadinayaan inay ka saaraan qodobada aan kor ku soo xusnay oo ay wax qabadkeeda ka gaabisay xukuumaddu  muddadii siddeeda bilood ahayd ee ay ansaxa ahaayeen.

 

5.Waxaan mar labaad iyo mar saddexaad ugu baaqaynaa guddiga doorashooyinka ku meel gaarka inay dhexdhexaad ka noqdaan muranka imminka jira, aysan dhinacna  u xaglin si ay u helaan dhammaan  kalsoonida dhinacyada kala duwan, danta shacabka oo keliyana u hiiliyaan.

6.Waxaan kale oo  shacab Puntland ugu baaqaynaa inay  rabitaankooda siyaasadeed ee ku aadan qodobbada  kor  ku xusan ay ku muujiyaan bannaabaxyo si nabadgelyo ah loo soo abaabuley oo ka dhaca dhammaan deegaamada Puntland  iyagoo marka hore la socodsiinaya  hayadaha amniga goobta iyo taariikhda  ay  isu soo baxaas qorshaynayaan si amnigooda loo hubiyo.

 

Mahadsanidiin

Siciid Faarax Maxamed

Guddoomiyaha Ururka UDAD

 

 

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Ururka UDAD oo Original ah.

 

UDAD1

UDAD2

 

Faafinta: Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>