Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kampala: Gudoomiyaha ururka SOYEN oo bogaadiyey munaasabada ciida.

$
0
0

Gudoomiyaha ururka Somali Youth Empowerment Network (Soyen) Haasim Axmed Cabaas ayaa hambalyo ku aadan munaasabada Ciida u diray dhamaan umadda Muslimiinta gaar ahaan umadda Soomaliyeed siiba Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda Maadama ururkan fadhigiisa ugu weyn uu yahay Magaalada Kampala ee Caasimada Dalka Uganda .

Haashim Axmed Cabaas ayaa sheegay inuu ururkiisu ka shaqeeyo Dalka Uganda uuna badanaa ka shaqeeyo maslaxda dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Umada, wuxuuna tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay munaasabadan qaaliga ku ah  Guud ahaan umada Muslimiinta ah  isagoo ku hadlaaya magaca ururka SOYEN.

Mr Haashim ayaa Guud ahaan umada Muslimiinta ah urajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaaraan Barwaaqo,Bash Bash iyo amaan waara  isagoo ugu baaqay guud ahaan umada Soomaliyeed siiba Jaaliyada ku nool dalka Uganda inay midoobaan iskana ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara qoqobnaan iyo isku duubni daro, wuxuuna sheegay hadii aysan umadda Soomaliyeed isku duubnayn in siyaabo badan looga faaidaysan karo uuna haleeli karo dayac aad u fara badan.

Siday doontaba ha ahaate maalmihii u dambeeyey ayuu ururkani ku hawlanaa wacyigelin la xiriirta soo dhawaynta munaasabada barakaysa ee ciida, Isagoo dhalinyarada Soomaliyeed ku wacyigelinaayey inay munaasabadan kaga farxiyaan walaalohooda Soomaliyeed ee laga yaabo inay ku dayacan yihiin Dalkan ayna siiyaan wixii ay u awoodaan.

puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>