Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

DF oo ka hadashay Diyaarad ku gubatay Aadan Cadde Airport (Daawo- Video)

$
0
0

August 9, 2013, Muqdisho… Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle, Muqdisho ay ku gubatay diyaarad xamuul ah. Ilaa iyo hadda xogta hor-u-dhaca ahi waxay tilmaamaysaa in dhacdadani tahay shil cilad farsame awgeed (technical fault).

AMISOM soldiers look on as a plane burns on the runway in MogadishuHaddaba, si faahfaahin buuxda oo sugan loo helo waxaa DFS magacawday guddi xaqiiqo-raadin ah oo ka kooban xubnaha hoos ku xusan:

(1) Cabdishakuur Cali Mire, Wasiir ku-xeenka War. B.I & Gaadiidka, ahna ku-simaha wasiirka – Guddoomiye (2) Cali Maxamuud, Maareeyaha Guud Hay’adda Duulimaada Rayidka & S.H – Xubin (3) Gen. Cabdixakiim Daahir “Saacid”, Taliyaha Ciidankia Booliska Soomaaliyeed – Xubin (4) Gen. Bashir Maxamed Jama, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabsugidda Qaranka – Xubin (5) Gen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed – Xubin (6) AMISOM, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo) (7) SKA, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)

Daawo Gubashaad Diyaarada

Dawladda federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay khasaaraha dhacay waxayna tacsi u direysaa dhamaan intii ku wax yeelowday. Si loo helo xogta dhabtaa ee la xariirta shilkaan waxaa lagu adkaynayaa xubnaha guddigu inay si dhaqsa ah u hawl-galaan soona gudbiyaan warbixin buuxda sida ugu dhaqsaha badan.

DHAMAAD

Ridwaan Haji Abdiwali-  Government Spokesman

Mogadishu, Somalia


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>