Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo: Cuqaasha iyo Waxgaradka Jubbaland State” Nin shacabka rabitaankiisa kasoo horjeestay, Xattaa haddii uu Wanaag sheegayo laguma aammin qabo, cid aaminaysana ma jirto”(Warbixin)

$
0
0

Cuqaasha iyo Waxgaradka ku nool magaalada Kismaayo ee ka tirsan deegaanada Jubbooyinka ayaa ugu baaqay shacabka jubbooyinka in ay sii xoojiyaan midnimadooda iyo taageerada ay u hayaan  Dowlad goboleedka Jubbaland State ee ay  gacmahooda iyo Taladooda ku samaysteen, waxayna dhanka kale eedeyn u jeediyeen Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo weli faraha kula jira iskuna deyaya inuu kala qoqobo shacabka Jubbooyinka oo bishii May sanadkan samaystay maamul goboleed ay u dhanyihiin shacabka ka soo jeeda deegaanada  Jubbooyinka.

 

Cuqaasha iyo Waxgaradka Jubbalan state

Cuqaasha iyo Waxgaradka Jubbalan state

Hadal kasoo yeeray maalinkii shalay  madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa sheegayey inuu shir ugu baaqay shacabka  Jubbooyinka , waxayna ku tilmaameen hadka madaxweynaha mid si Riyo ahaan uga soo baxay, kana fog xaqiiqda.

Cuqaasha iyo Waxgaradka Jubbaland State ayaa yiri ” Nin shacabka rabitaankiisa kasoo horjeestay, Xattaa haddii uu Wanaag sheegayo laguma aammin qabo, cid aaminaysana ma jirto”

 Maxamuud Saciid,  oo ka mid ah Cuqaasha  Jubbooyinka ,  ayaa aad u dhaliilay qaabka uu shaqeeyo Xasan Sheekh , isagoo ku tilmaamay in Caqliga uu ku shaqaynayo oo uusan waxba kaga duwanayn qab-qablayaashii Muqdisho oo dhammaantood meel xun ku wada dhammaaday.

“Dadka uu u yeerayo Xasan Sheekh sow maaha kuwii uu horay u diiday,  sow maaha kuwii uu Xabada íntii ulla yimi oo uu ku gumaaday , sow maaha kii lagu casumay shir gogoleedkii lagu dhisay Maamulka Jubbaland State, shirkaas oo lagu xurmeeyey lana sugayey  illaa mudo ku dhow  Bil iyo bar,  loo gana baneeyey qaybta ay dowlad ahaan kaga lahaayeen  shirkaas , markaa macquul ma tahay in nin shacabkii uu madaxweynaha u ahaa oo uu  shalay rabitaankooda diiday oo Xabad iyo qas uu kala horyimi inuu maanta ugu yeero Muqdisho oo aan nabad ahayn , iyagiina lagu ilaalinayo taagiyo  AMISOM ay leedahay”

Xasan Sheekh ayey ku sheegeen waxgaradku inuu yahay nin lumiyey sharcigii dalka iyo Kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, iyagoo dhanka kale sheegay in markii loo dhiibayey xilka dalka  lagu wareejiyey  hanaan dowladeed oo si fiican u taagan , maantana dalkii uu marayo illaa heer uu Xajin waayo Ammaankii Magaalada Muqdisho, ayna kusoo laabteen Alshabaab Muqdisho , ayna ku leeyihiin awood xoogan maanta guddaha magaalada Muqdisho.

Waxgaradkú waxay  Xasan Sheekh ugu baaqeen in inta xaalku wanaagsan yahay uu iska casilo xilka madaxweyninimo , maadaama shacabka Soomaaliyeed ay ku hungoobeen siyaasadiisa , 6-dii tiir ee uu sheegayn inuu ku shaqaynayana dhammaantood uu ku fashilmay sida shacabka Soomaaliyeed ay wada qirsan yihiin.

Dhanka kale ayey waxgaradku sheegeen in deegaano badan oo Soomaaliyeed-na ay xukunkiisa ka biyo diidan saan yihiin wax taageero ahna ay hayn  , iyagoo Tusaale u soo qaatay Somaliland, Puntland State, Jubbaland State, Shabeelada dhexe iyo Sh/hoose, Muqdisho oo faraha ka baxday oo Alshaabab ay maamulaan xilliga habeenkii ah , maxaa u haray ?? ayey isweydiiyeen.

Sikastaba, hadalka ka soo yeeraya Waxgaradka Jubbooyinka ayaa Jawaab u ah , hadal maalinkii shalay ka soo yeeray Xasan Sheekh , kaddib markii uu sheegay in shacabka Jubbooyinka uu gogol u dhigayo, waxaana dhanka kalé sii xoogaysanaya quusta iyo rajo la’aanta soo wajahday inta badan shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii 2 bilood guddaheeda kaddib  markii Xasan Sheekh Xukubka loo dhiibay nijab jab weyn ay  shacabka Soomaaliyeed kala kulmeen siyaasadiisa, iyagoo yiri ” la mood noqonse wayday.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles