Boosaaso: (pp)- Waxaa maantay oo taariikhdu tahay March 21 -2013 loogu soo gaba gabeeyey saminaar mudo ka socday Hoolka weyn ee Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Bosaso , saminaarkaas oo loo qabtay Shaqaalaha iyo Madaxda Dhexe ( Middle Management and Subordinates) ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland , saminaarkaan iska kaashaday hay’ada UNDP barnaamujkeeda SIPD project iyo Wasaaradda Maaliyadda DPL, waxaana casharada bixinayeyMr. Osman Mohamud Ali , ACCA professional body, oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibadiisa , tirada shaqaalaha saminaarka loo soo gaba gabeeyey oo dhan 30 qof wajiga koowaad mudooyinkan danbe ayaa Wasaaradda Maaliyaddu u qabaneysay tababaro is daba joog ah shaqaaleheeda si kor loo gu qaado aqoonta shaqaalaha .
Ugu danbeyntii waxaa saminaarka soo xiray Wasiir kuxigeekna Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mr. Cabdiraxmaan Maxamuud X. Xassan oo kula dardaarmay shaqaalihii dhamaystay saminaarka in ay duruusta la baray dalka iyo dadka uga faa’iideeyaan kuna dabaqaan shaqada ay umada u hayaan , midkastana waxaa la gudoonsiiyey shahaadada ka qayb galka saminaarka.
Khabiirka bixinaya saminaarka ayaa ah muwaadin soomaaliyeed hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa “Anigu waxan ahay Somali halkana waxaan u imid in aan umadeyda uga faa’iideeyo aqoonta aan soo bartay iyo khibrada aan u leeyahay Hagaajinta Xisaabaadka , halkan uma imaan in aan lacag ka sameeyo waxaan rabaa in aan waxuun idiinka tago intii aan awoodo idinkuna aad ka faa’iideysataan fursadan waxaana loo baahan yahay horumar iyo in aynu aduunka la jaanqaadno “ intaa waxaa yiri Osman Mohamud Ali, ACCA professional
Puntlandpost.com