Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muqdisho(PP): Madaxweynaha Soomaaliya oo abuuray Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed

$
0
0

Muqdisho(pp) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ku dhawaaqay in la aasaasay Golaha  Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo leh Xogheyn gaar ah oo dabagal ku sameysa  fulinta go’aanadda Golaha Amniga Qaranka.

muqdisho

Madaxweynaha oo furitaankii shirkii ugu horreeyey maanta shir guddoominayey  ayaa yir “ Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waa hay’adda ugu sareysa  Qaranka oo dajineysa Siyaasadda iyo Istraatiijiyada Amniga Qaranka  Soomaaliyeed si loo sugo amniga iyo xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed oo  ay ugu horreyso amniga rayidka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta  Soomaaliyeed. “

Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha  Qaranka Soomaaliyeed, waxaana xubin ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,  Wasiiradda Gaashandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Maaliyadda, Arrimaha  Dibedda iyo Garsoorka. Sidoo kale waxaa xubno farsamo ka ah Taliyeyaasha  Ciidamada Xoogga, Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta.

Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa usbuuciiba mar lagu wadaa inay  kulmaan oo ay dejiyaan Istraatejiyada iyo siyaasadda Amniga Dalka.
Xogheyntana laga sugayaa inay xiriirka iyo dhaqangelinta go’aanadda dabagal  ku sameeyaan.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>