Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bayaan Ururka SAHAL UK – Shirka Addis Ababa

$
0
0

Assalaamu Alaikum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu
Ururka Sahal oo ah Urur mustawahiisu yahay, Sinaan Cadaalad iyo Horumarin,waxaa uu bayaan adag kasoo saarayaa xaladda kazoo cusboonaattay shirka Addis Ababa ee u dhaxeeya Dowladda Somalia ee Fedralka ah, iyo Dowlad Goboleedka Jubba land State of Somalia.

Bayaan Ururka SAHAL UK - Shirka Addis Ababa

Bayaan Ururka SAHAL UK – Shirka Addis Ababa

kadib markii uu bilaabmay shirka lagu wada hadalsiinayo Dowladda Federalka ah ee Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedka Jubba Land, Taariikhdu markii ay ahayd 20/08/2013, maalintuna ahayd Talaado, ujeeddada shirkuna ay ahayd sidii la’issu waafajin lahaa qaabka ay ku wada shaqaynayaan Maamulka Goboleedka Jubba land*(Regional Autonomy of Jubba land State of Somalia) iyo
DFS (Somali Federal Government), iyadoo la raacayo qaanuunka dalka u yaa (the Provision of Federal Constitution) Qodobka 57 aad.

Qodobka 57aad-Xiriirrada u Dhexeeya Heerarka Dawladda

(1) Dawlad-goboleed kastaa waa in ay ku dedaashaa xiriir iskaashi ku dhisan inay la yeelato xukuumadaha ay isku heerka yihiin iyo kuwa heerarka kale. Xukuumad waliba waa inay ilaalisaa xuduudda awoodaheeda iyo awoodaha kuwa kale. Waa inay dhiirri-gelisaa xiriir saaxiibtinnimo oo ay yeeshaan xukuumadaha ka jira meelaha kale ee dalka iyo dadweynahooda. Xukuumad
waliba waa inay hubisaa xukuumadaha kale inay ku war-gelisey siyaasadaha amaba hawlaha gudaha xuduuddeeda ka socda; kuwaas oo laga yaabo inay meelo kale saamayn ku yeelan karaan. Meeshii ay suuraggal tahayna waa in xukuumaduhu si wadajir ah ay mashaariic wadaag ah uga dhaqan-geliyaan.

(2) Si loo helo xiriir iskaashi, waa in sharcigu jideeyo kulan-sannadeed ay isugu yimaadaan madaxda fulinta ee dowlad-goboleedyada iyo Dowladda federalku, si ay uga xaajoodaan, isuguna dubbo-ridaan qorshaha dawlad-goboleedyada iyo arrimaha la xiriira taageerada dawlad-goboleedyada.

(3) Waa waajib in la qabto kulannada masuuliyiinta heer dawlad-goboleed,marka laga hadlayo arrimo saamaynaya wax ka badan hal dawlad-goboleed sida biyaha, beeraha, caafimaadka iyo waxbarashada.

(4) Dawlad-goboleedyadu waxay la geli karaan heshiis qoraal ah dawladda Federaalka ah, iyaguna dhexdooda heshiis way kala saxiixan karaan. Hase ahaatee, heshiisyadaasi ma laha awood sharci, waxaase looga jeedaa inay noqdaan hab iskaashi oo keliya.

waxaa ayaan darro noqottay, in Dowladda uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Hassan Sheikh uu sicad oo aan qarsi lahayn u dabamarayo qaanuunkii lagu doortay ee uu’u dhaartay.

Haddaba, Ururka Sahal, innaga oo xaqdhowrayna Qaanuunka dalka u yaal,Innaga oo xaqdhowrayna jiritaanka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, Innaga oo xaqdhowrayna, ilaalinayna sharafta iyo karamada qaab dhismeedka Maamul Goboleedka Jubba land, waxaannu ka digaynaa mas’uuliyiinta Reer Jubba land inaysan ku fakarin, kuna tilaabsan wixii sharafdarro iyo qiimo dumis ku ah dadka iyo deegaanada Jubba Land State ay ka kooban tahay ee u doortay inay hogaanshaan, matalaanna.

Innaga oo cuskanayna Qodobka dastuuriga ah ee 69aad – Xudduudaha Gobolada – darafyada 3-4

Qodobka 69aad-Xuduudaha Gobollada

(3) Xuduudaha Dawlad-goboleedyadu waxay ku saleysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jiray 1990-kii ka hor dagaalkii ahliga ahaa

(4) Laba gobol ama wax ka badan ayaa ku midoobi kara dawlad-goboleed iyaga xor u ah go’aankooda

haddaba, Ururka sahal waxa uu oga digayaa mas’uuliyiinta shirka ee Reer Jubba land inaysan aqbalin, dhagaysan, in Gobolka Gado laga gooyo Jubba land, Gado waa Jubba Land – Jubba Land’na waa GADO.

Jubba land Constitution Article 6; darafkiisa 1aad-2aad -3aad waxaa uu oranaya sidatan hoose:

1) Deegaanka Jubba land State of Somalia waxa uu ka kooban yahay 3 Gobol oo kala ah ( Jubbada Hoose, Jubba Dhexe iyo Gado)

2) Xuduudaha Jubba land waxa ay yihiin kuwii jiray dagaalka Sokeeye intii uussan bilaaban 1991.

3) lama baddali karo xuduudaha Jubba land.

ururka Sahal waxa uu oga digayaa mas’uuliyiinta DFS inaysan ku hambaasin wax ka baddalidda iyo wax ka reebidda deegaanada Jubba Land iyo Xuduuddooda.

sidaasi si lamid ah, mas’uuliyiinta reer Jubba land marnaba kama tanaasuli karaan Jiritaanka, Xuduudda, Astaanta, sharafta reer Jubba land.

haddii ay dhacdo ama la’ aad u TUN JILECDAAN in wax laga baddalo, ama aad ogolaattaan, ama aad ku fududaataan inaad qaadataan wax kazoo horjeeda qaanuunak u yaal Jubba Land ee aad ku dhaarateen waxa dadka reer Jubba land waajib ku ah inay idinla xisaabtammaan iyada oo dib loogu noqonayo dastuurka u dagsan Jubba land.

Article 23 : The Impeachment of the president and Co

Aticle 1: Barlamaanka waxa uu ka xayuubin karaa awoodda madaxweynaha Jubba land haddii uu madaxweynuhu ku xadgudbo datuurka Jubba land uyaal, hadda waxaa awooddaasi iska leh (ERGOOYINKA JUBBA LAND oo ah awoodda barlamanka KMG ah ee Jubba land ee Doorattay Madaxweynaha Jubba Land. innaga oo taageerayna qodonbkaasi, waa lama taabtaan in la baddalo magaca Jubba land iyo astaanta Jubba land.

2) Article 2 – Supremacy of the Law: Mas’uuliyiinta reer Jubba land waa inay ilaashana qaanuunka Jubba land, qaanuunak ayaan had iyo goor sareeya.

Ururka Sahal, waxaan ku boorinaynaa Golaha guurtida ee Jubba land, shacabka reer Jubba Land inay si degdeg ah u dalbaan in ergooyinka reer jubba land ee wali ku sugan Addis Ababa inay si dagdag ahi kusoo galaan Jubba land si looga wada tashado arrimaha xassaasiga ah ee kusoo kordhay Jubba Land, arrimahasi oo mutidooda dambe ay tahay sidii lagu bur-burin lahaa Jubba land.

Ururka Sahal marnaba ma aqbali karo, mana yeeli karo, mana liqi karo;

1) In Ilhaano laga galo dadkii ku nafwaayay, sharafka iyo midnimada,difaaca reer Jubba land.

2) In aan la xaqdhowrin dadkii doortay maamulkooda iyo mas’uuliyiintooda.

3)In shaki lagasho Deegaanka reer jubba land iyo xuduudkooda.

4)In shirar beenaad loo abaabulo oo wakhti dhumis ah.

Ugu dambayntii ururka Sahal waxaa uu kula talinayaa madaxweynaha iyo K/Xigeenka Jubba land inay;

1) Si degdeg ah uGu laabtaan Jubba land

2) In si shuruud la’aan ahi kusoo dhammaystiraan inta ka harsan maamulka Jubba land

3) In aan labaddali karin magaca Maamul Goboleedka iyo Astaantiisa.

4)In aan wada xaajood laga gali karin maamulka ilaha dhaqaalaha iyo kobcinta deegaanka

Article 47, Draft 4- Jubba land Constitution

Dowladda Jubba land ayaa xil kasaaran yahay qayraadka dabiiciga ah (Bad iyo Barri) ee Jubba Land.

Ugu dambayntii waa in loo istaagaa sidii Somalia looga badbaadin lahaa Kooxda DALDUMIS ee DAMUL-AL-JAHLI, isla markaasina looga hortagi lahaa.

Ururka SAHAL waxaa uu taageerayaa Go’aankii dhawaan taariikhdu markii ay ahayd 23/08/2013 waxgaradka Beesha SADE DAAROOD ay kasoo saareen Jubba land, kaasoo ay ku muujiyeen mas’uuliyadda ka saran deegaankooda iyo dadkooda, waxaa ururka SAHAL ku boorinayaa Ergada Jubba Land ku harsan inay si degdeg ah ugu wargashaan in Madaxweyne Ahmed Mohamed Islaan iyo
Gen Abdullahi Sheikh Fartaag ay kusoo gaaraan Jubba land, si looga wada tashada marxaladaha soo siyaaday.

Ururka Sahal waxa uu qaybihii kale ee adduunka ka dalbayaa in mudaaharaad si dagdag ahi loo qabto, kaasoo lagu muujinayo loogana hortagyo hagardaamada kooxda Villa Somalia.

Daabacaada: Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>