Waraaq ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu samaynayo dastuurka Soomaaliya , shacabka Soomaaliyeedna ay si guud uga qayb qaadanayaan, waxaana Waraaqdaan ay guddoomiyaha baarlamaanka uu soo saaray kaddib markii Cabashadii ugu wayn ay ka timi Madaxweynaha Puntland , kaddib markii Beesha Caalamka iyo DF ee Soomaaliya uu hirdhigay CADAYMO ah in ay ku xadgudbeen dastuurkii dalka.
Akhri: Danbaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka

Jawaari oo shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyey in Dastuurka la isla saxo, kaddib markii Puntland iyo Beesha caalamka Culays saareen
Ducumentiga ka soo baxay xafiiska Jawaari ayaa ah mid is dhaafsan, meelo Documentiga ah ka mid ah waxaa ku xusan oo qiil laga dhiganayaa in dowladu ay ka baxday Kumeel-gaarnimadii , baarlamaankana uu wax ka bedeli karo wixii uu doona, iyadoo la ogyahay in baarlamaanka maanta la jira loo sameeyey road map ay ku dhameeyaan 4-ta sano oo soo socota.
Ajandayaasha dowlada Federaalka horyaalay ayaa ahaa , in sharciga dalka siduu yahay ugu shaqeeyaan, taageeraan dhismayaasha deegaanada Federaalka Soomaaliya , dhisaan hay’adaha dowladaha, ay xoojiyaan wada shaqaynta deegaanada federaalka ah, ayna ka talagreliyaan maamulada Federaalka ah isbedelka wadanka ku imaan doona mustaqbalka , wadankana ay gaarsiiyaan doorashooyin XOR ah , si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo Doorasho XOR ah.
Arrimahaas oo dhan way ka booday dowlada . Waxaa loo qaaday ama u qaateen shacabka Soomaaliyeed badankiisu in dowladu aysan aqrisan kana warqabin sharciga u yaal DF federaalka ee Soomaaliya, siddaasna ay ugu dhacday GOD haadaan ah oo aan laga soo qaba karin.
Waxaa kaloo xusid mudan oo Duceumentigan lagu xusay in dowlada Puntland ay DOOD xoog leh ka keentay Dastuurka Federaalka Soomaaliya , Doodaas ay Puntland ka keentay Dastuurka dalka bedelkiisa ay kooxda Jawaari ku tilmaameen Nasiib darro, waxaa la yaab leh , haddii Dolwada Federaalka ay indho la’dahay ma waxay doonaysay in loogu sabciyo qarankii oo la gacan bidixeeyey, waxaase maanta shacabka Soomaaliyeed u cadaaday in Puntland ay 100% ay ku saxsanayd in dastuurkii dalka la bedelay, waa tan Maanta keenaysa in Guddoomiyaha baarlamaanka uu soo saaro Ducument-gan , kaas uu ku sheegayo in dib u eegid lagu sameeyo dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas ay ka qayb qaadanayaan wax ka bedelidiisa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, kaddibna loo codeyn doono.
Waxaa mudnaan gaar ah mudan dowlada Puntland oo GEED dheer iyo Mid GAABAN u kortay in ay badbaadiso Dastuurka Federaalka Soomaaliya, waxaa kaloo mahad gaar ah mudan Baarlamaanka iyo DF ee Soomaaliya oo yaqiinsaday khaladkoodii , ummada dib ugu soo celiyey xorriyadooda ahay in wax laga weydiiyo Dastuurka iyaga khuseeya.
Waxaa kaloo xusid mudan in Beesha Caalamka oo arrinii dastuurka lagu tuntay iyo cabashada Puntland, u qaatay si qadarin leh , kaddibna ogaaday in Puntland qodobda ay ku doodayeen 100% ay saxan yihiin, dowlada Federaalka kula talinayey in hab dhaqanka DF ee Soomaaliya uu yahay mid khaldan dastuurka dalkana ay ku tunteen , laguna wargeliyey DF ee Soomaaliya in ay si deg deg ah ay wax uga bedelaan hab dhaqankooda khaldan , arrinkaasna ay maanta ku dhaqaaqeen.
Dalka Soomaali waa wada leedahay, haddii la wada leeyahay-na, waxaa jiraysa qawaaniin iyo Heshiisyo Soomaalida dhexdeeda dhexmara, arrinkaas waa la Xushmeeya.
Kii doonaya in Khalad iyo Been abuur lagu socdana waxaa la dhihi karaa , Soomaali 23 sano ku filan oo khasaare ah waa gashay not more…!!
Puntlandpost.com