Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

MUQDISHO: DF ee Soomaaliya oo qayb ah ka ah Boobka Boosaska Banaan ee Muqdisho(Warbixin)

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Ayaa lagu eedaynayaa in ay qayb ka tahay Boobka Boosaska Banaan ee ku Yaal duleedka iyo guddaha Magaalada Muqdisho.

Arrinkaan Ayaa imaanaya kaddib narkii Dad Badan oo ku nool Magaalada Muqdisho lagu qabsaday boosaaskii ay la haayeen , loona samaystay Waraaaqo Sharci-darro ah.

MuqdishoDadka Boosaaskooda la boobay ayaa puntlandpost u sheegay in rag dowlada ku jira ay qayb ka yihiin Boobka Guryaha. Waxay dadkaasi sheegeen oo kale in maxkamad markii la isla tago Dadka taagta daran Maxkamada looga adkaado, maadaama aysan Haysan dhaqaale ay isku difaacaan.

Warabixinta ayaa intaas ku daraysa in Kuwa Dowlada u shaqeeyo ay shacabka boobaan guryahooda iyo kooxo kale oo la shaqeeya, iyagoo adeegsanaya Lacag iyo Mansabka ay u hayaan dowlada ayna ugu Caga yugleeyaan Dadka tabarta daran ee aan is difaaci karin.

Madaxweynaha ayaa lagu eedaynayaa  in Kooxaha Waxdhacaya uu garab siiyo, wuxuuna mararka qaarkood u sameeyaa Waraaqo dadkaas looga jidaynayo  dhulal sharci daro ah oo ay ku habsadeen.

Sikastaba, Waxaa sii badanaya  Cabashada Dadka ku nool Magaalada Muqdisho, siiba Beesha uu ka dhashay Madaxweynaha  ooqaarkood  la yaaban yihiin Siida aan sharciga waafaqsanayn oo Looga dhacayo Boosas ay ku la haayeen Magaalada Muqdisho.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa hadal haya Cadaalad darada ka jirta Muqdisho oo noqotay mid faraha ka baxday,waxaana shaqsiyaadka jooga Maxmadaha ay ku shaqeeyaan  Laaluush, qofkii lacag bixiyana wax  u jideeyaan

AskarDhanka kale , Shacabkii Soomaaliyeed ee Muqdisho ka qarxay 1991-dii ayaa qaarkood ku soo laabtay Muqdisho , si ay Guryahooda u iibsadaan ama u ijaaraan ayaa waxay la kulmeen dhibaatooyin Badan , Waxaa guryahooda Degay Dad ka yimi baadiyaha ama ka yimi gobolada Fog Fog ee Soomaaliya, markay Damcaan inay Ijaaraan ama Gadaan guryahooda Waxaa Khasab ah ku ah in ay ijaartaan Askar Caloshood u shaqaystayaal  ah , si Guriga looga saaro Dadka iska degay.

Dadka gurigaa ku jira waxaa laga yaabaa mararka qaarkood inay noqdaan Dad fiican, markaad gurigaa u sheegato kuuna aqoonsadaan way kaaga  baxayaan,  kuwaasna waa tiro yar oo u badan Dad ehlu diin ah oo ka caraya Xaq qofka muslinka ah.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>