Boosaaso: (pp)- Wasaaradda caafimaadka puntland ayaa xaqiijisay in cudurka dabeysha laga helay magaalada Boosaaso , waxaana cudurkan laga helat Cunug yar ka dib baaritaan dheer oo laga sameeyay deegaanada Puntland.
Agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah ee wasaaradda Caafimaadka puntland C/risaaq Abshir Xirsi oo la hadlayay warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in xanuunka Dabeysha uu in mudo ah uu ku jirey Gudaha soomaaliya, isagoo xusey un cudurkaani uu sii faafayo .
C/risaaq Abshir Xirsi , ayaa sheegay in qorshaha wasaarada caafimaadka u dajisan ay tahay in todobaadkaani dhexdiisa ay wasaaradu sameyn Doonto wacyi galin balaaran oo dadka lagu fahan siinayo in cudurkaani Khatar yahay loona baahan yahay in ilmaha yar laga talaalo cudurkaani oo Musiibo ku ah dhallaanka soo koraya, isagoo intaasi ku darey in Cudurkaani uu ku faafo siyaabaha ay ka mid yihiin in qof xanuunka qaba uu soo dhex galo bulsho xanuunka ka fiyow iyo nadaafad Xumo.
Agaasimaha waaxda caadimaadka asaasiga ayaa ugu baaqey bulshada Soomaliyeed iyo kuwa ree puntland in ilmahooda ka talashaan cudurka Dabeysha, waxana uu tilmaamy in cudurkaani dabar gooyntiisa ay tahay Iyadoo la qeyb qaato lana soo dhaweeyo ololaha balaaran ee dhalaanka Looga talaalyo cudurka dabesha, taasi uu sheegay hadii la gaaro Hadafkaasi uu meesha ka baxayo xanuunkaani isla markaasna aan la dhayalsan.
Cudurka dabeysha ayaa ah mid dhibaato ku keeni kara ilamaha yar hadii Aan laga talaalin waxaan wasaaarada caafimaadka puntland ay wadaa Olole balaaran oo ay uha hortagasyo ciribtirka xanuunkan.
C/xamiid Salaad Barre
puntlandpost, Garowe