Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Qaar ka mid ah xildhibaanda puntland oo ka hadlay safarka M/ku xigeenka Puntland

$
0
0

Garoowe: (pp)-   Aadan Xaaji Xuseen oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay Magaalada Garoowe wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo  Booqashada M/kuxigeenka Puntland ee deegaanka  Magaalada Taleex. Xildhibaanka ayaa soo   dhaweeyey  sidda wanaagsanayd ee Madaxweyne ku xigeenka Puntland Generaal C/Samad Cali Shire loogu soo dhaweeyey deegaanka Taleex,  isagoo booqasho taariikhi ah ku tilmaamay kormeerka Madaxweynaha ayna tahay mid taageero mudan.

Aadan Xaaji XuseenXildhibaanku Aadan Xaaji wuxuu tilmaamay xiligan in aysan ku haboonayn in dagaal ahli ah uu ka dhex dhasho beesha Dhulbahante sida uu hadalka u dhigay isagoo ku baaqay in loo midoobo dib usoo celinta Deegaanada maqan.

Tagista Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee Degmada taleex ayuu sheegay in ay ka xun yihiin dad badan oo siyaasiyiin ah,  kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwo aan dan u hayn Beesha Dhulbahante , dantoodana ka hormariyay tii caamka ahayd,  wuxuuna ku booriyay ka shaqaynta nabada iyo sugida Amniga.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo danta guud ee Bulshada , la iskana la iska kaashado wixii faa’iido u keenaya Bulshada deegaanka Sool, Sanaag iyo Cayn.

Inkasta oo uu Xildhibaanku sheegay in wanaag uu ku jiro tegida M/kuxigeenka ee deegaanka Taleex, hadana wuxuu dhanka kale Carabaabay in nay jiraan dad ka soo horjeeda oo ka xun imaatinka Generaal C/samad Cali Shire.

Hadalkan Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo Ciidan aan la ogayn cida ay ka amar qaataan ay isku aruursanayaan Deegaanka Boocame lana sheegay in ay ku wajahan yihiin Magaalada Taleex oo uu ku sugan yahay Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

C/xamiid Salaad Barre 
puntlandpost,  Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles