Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

TALEEX: Madaxweyne ku xigeenka PL oo dhagax dhigay dugsi sare oo Taleex laga dhisayo (Sawiro)

$
0
0

Taleex: (pp)-  Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamed Cali Shire oo weli ku sugan  degmada Taleex ayaa maanta dhagax dhigay dugsi sare oo dhawaan dawladda Puntland ay hirgelinayso.

SONY DSCXafladda dhagax dhiga ayaa waxaa ka qayb galay dhamaan waftiga iskugu jira Barlamanka iyo xukuumada ee u hogaaminayo madaxweyne ku xigeenku,maamulka degmada Taleex,maamulka waxbarashada .

SONY DSCUgu horayn ayaa waxaa ka hadlay xafladda dhagax dhiga oo lagu qabtay dugsiga sare ee degmadan duqa degmada Taleex Maxamuud Cali warsame wuxuuna soo dhaweeyey dhisitaanka dugsigan sare iyo wax qabadka xukuumadda Puntland ay maalmahan ka fulinayso degmada Taleex.

SONY DSCMaamulaha dugsiga sare ee Taleex Shiikh Daahir oo isna hadlay ayaa ka hadlay baahiyaha ka taagan dugsiga sare ee Taleex oo uu sheegay inuusan lahayn Laab wuxuuna dawladda Puntland ku amaanay mashaariicda arrimaha bulshada waxtarka u leh ee ay ka fulinayso Taleex.

SONY DSCWasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame oo hadal kooban jeediyey ayaa dugsiga sare ee Taleex ku amaanay kaalintii ay ka qateen deeqdii waxbarsho ee Turkiga 2011 oo imtixaankii lagu qaaday Garoowe ay ardaydii ugu badnayd eek u baastay ay wax ka baranyeen dugsiga sare ee Taleex.

SONY DSCMadaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdi Samed Cali Shire oo intaas ka dib dhagax dhigay dugsiga sare ayaa ka  hadlay ahmiyadda waxbarshada iyo  kaalinta dawladda Puntland ay siinayso,wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay inaysan badi ardayda reer Taleex aysan galin Imtixaankii dugsiyada sare ee  Puntland ka dib markii buu yiri ay jaahwareeriyeen dad wax magarto ah oo aan eegayn danta ardayda.

SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC

Puntlandpost.com
Maxamed Qowdhan
Degmada Taleex


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>