Qardho: (pp)- Curashada roobabka Dayrka ayaa ka bilowday deegaanada Puntland ee Soomaaliyeed, iyadoona roobab lagu diirsadey ay caawa ka da,een deegaano ka tirsan Gobolada Bari iyo Karkaar Sida magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar iyo Degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka Bari .
Wariye ka tirsan Puntladtv oo lagu magacaabo Mahad Yuusuf Bille joogana magaalada Qardho ayaa u xaqiijiyey Puntladpost roobab ay ku diirsadeen dadka Qardho inay caawa magaalada ka da,een , isagoona mahad intaas dabo dhigey roobku inuu is haysto inta u dhaxaysa Qardho iyo Degmada Carmo deegaano badan oo u dhexeeya.
Curashada Roobabka Dayr-ta ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadyadii lasoo dhaafey deegaano badan oo ka tirsan Puntland laga soo sheegaye abaaro soo wajahay dadka iyo duunyada, iyadoona goobaha qaar laga soo sheegayo biyo la,aan ka jirta.
Puntlandpost.com.
Qardho