Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo la kulmay Jaaliyadaha Qurbaha ee Puntland iyo Jubbaland (Sawiro)

$
0
0

Bruxelles: (pp)- Madaxweynaha Puntland iyo Madaxda Jubbaland iyo Wafdiyo ay kala hogaaminayeen  ayaa  habeenkii Xalay ahaa kulan kula qaatay Magaalada Bruxelles   ee dalka Biljum Jaaliyadaha Qurbaha  ee ku nool dalalka Biljum, Holand, Germany, Ingiriiska , Danmark iyo Maraykanka.

shirkabiljumKulankaas oo qaatay muddo laba Saacadood ah ayaa waxaa si guud uga hadlay Madaxwenaha Puntland, isagoo ka hadlay howlaha ay u yimaadeen Bruxells iyo madaxda EU-da ee  ay kula kulmeen Bruxelles . Madaxweynaha ayaa sheegay in ay si wanaagsan ugu guulaysteen arrimaha shirka Bruxelles ay u yimaadeen.

fotoMadaxwene Faroole ayaa xusay oo kale in Qoraal dheer  iyo khudbad labada ku dhiibeen arrimahii Puntland khuseeey, wuxuu kaloo xusay Madaxweynaha in Mudnaanta Puntland ay ku leedahay Caalamka uu yahay mid banaanka yaal    oo  Muuqada, madaxda yurubna ay ugu hanbalyeeyeen Puntland iyo booska Muhiimka ah ee ay ka taagan tahay Soomaalia iyo Caalamka intaba.

IMG_0331Madaxwenahu ayaa Jaaliyadaha   ku waaniey in ay  ka qab qaataan horrumarka dalka ka socda, isagoo xusay taageero yar oo la gaarsiiyo dalka,   oo wadanka lagu taageerayo ay wax weyn u tahay Puntland.

shirkiiMadaxwene Faroole ayaa kama danbeys sheegay in Puntland ay waligeed u taagnayd Taageerida Soomaaliya , wuxuuna intaas ku daray  gargaarida  Soomaaliya  dhinac kasta ha noqoto in aysan jirin  ciid ay uga haybaysanayaan.

photo4Madaxda Jaaliyadaha yurub ee reer Puntland  oo shirka ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey  Madaxweynaha Puntland, sida wanaagsan ee ugu dadaalay horrumarinta arrimaha Puntland hanoqoto guddaha iyo dibada.

IMG_6898Xafladaan qiimaha badan ee loogo talagalay soo dhowenta madaxda Puntland iyo Jubbaland , waxaa hirgeliey Jaaliada reer Holland ee loogu magac darro Puntned , gaar ahaan Maxamed Qaasim iyo Axmed  oo qayb wen ka qaatay qabanqaabada iyo soo dhoweytii Madaxda iyo Jaaliyada reer yurub.

 

 

Daawo Sawiro kale

soodhowenKulankaas waxaa ka hadlay oo kale Prof. Gaandi, isagoo ka warbixiyey xaalada guud ee Jubbaland State, waxaan Xaflada imaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed (Islaam) oo daal hayey dartiis uga soo qayb geli waayey Xaflada.

soodhowowWaxaa kaloo kulankaas goob joog ka ahaa Raiisal Wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Prof. Jurile, Maxamed Xasan Barre, Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali C/llaahi Warsame.

Kulankaas kaddib oo suáalo kooban lagu wediiyey Madaxweynaha Puntland, ayaa ka jawaabay dhammaan suáalihii la wediiyey.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>