Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROWE: Shaqaalaha Cisbitaalka Garowe oo Tababar ku saabsan Caafimaadka loo xirey(Sawiro)

$
0
0

Garowe: (pp)- Cisbitaalka guud ee magaalada Garowe ayaa  maanta Tababar loogu soo gabagabeeyay Dhakhaatiirta iyo Kal kaaliyaasha cisbitaalka oo tiradoodu gaareyso ilaa 30 xubnood. Waxaana muddada tababarku socday oo shan cisho ahaa shaqaalaha iyo dhakhaatiirtu qaadanayeen casaharo la xiriira  habka loo maareeyo dhaawaca deg dega iyo sida loola tacaalo bukaanada la keeno cisbitaalka guud ee Garowe.

sawirQaar ka mid ah ka qeyb galayaasha ayaa oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in maanta ay guul ugu soo dhaamaadey tababarkani waxyana   xuseen inuu ahmiyada balaaran ugu fadhiyay madaama waxa la barayay ay ahayd qaabka bukaanada loola tacaalo,waxayna mahad ballaaran u jeediyeen hay,adda CCM  iyo Wasaaradda Caafimaadka puntland .

Agaasmaha.jpgAgaasimaha ku xigeenka cisbitaalka guud ee Garowe C/risaaq Jaamac Taraag oo tababarka gaba gabadiisa kalmado hadal ah  ka soo jeediyay ayaa tilmaamey in maanta cisbitaalka lagu soo af meerey tababar in mudo ah uga socday shaqaalaha iyo dhakhaatiirta cisbitaalka ahmiyadana ay u ahayd in la xoojiyo khibarad iyo waayo aragnimada ay haysataan dhakhaatiirta iyo shaqaalaha cisbitaalka Garowe.

astaan.jpgC/risaaq ayaa dhan kale sheegay in  casharada ay bixinayeen macalimiin ka socday hay’adda CCM oo talyaani ah maantan goobta shaqalaha iyo dhakhaatiirta lagu gudoonsiiyay shaadooyinka .

WasiirkaWasiir  ku xigeenka wasaaradda caafimaadka puntland Dr Max,ed Xirsi Ducaale oo kulanka soo gaba gabeeyay ayaa mahad naq balaaran u jeediayay macalimiintii iyo dhammaan ka qeyb galayaasha tababarka,  wuxuuna ku booriyay in wixii ay barteen ay sey tahay ugu shaqeeyaan bulshada bukaanada ah ee cisbitaalka la keenayo.

KulankaTababarkaani maanta lagu soo gaba gabeeyay cisbitaalka guud ee Garowe ee loo qabtey shaqaalaha iyo dhakhaatiirta cisbitalka Garowe ayaa looga gol leeyahay kor u qaadida aqoonta iyo khibrada caafimaadka la xiriira.

C/xamiid Salaad Barre

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>