Copenhagen: (pp)- Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa Saaka barqadii ka dhoofay magaalada Copenhagen, isagoo kusii jeeda Caasimada kumeel gaarka ah ee Jubbaland State ee Kismaayo. Madaxweynaha Jubbaland ayaa magaalada Copengahen u yimi kaddib markii ay Casuumaad u fidiyeen Jaaliyadaha Skandenivia, isagoo ka ajiibay. Madaxweynaha ayaa xafladii loo sameeyeyna ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku aadan Doorka Jaaliyada iyo Xaalada guud ee ka jirta Deegaanada Jubbland State.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa inta uusan gaarin Kismaayo wuxuu ku hakan doonaa magaalada Nairobi, isagoo uga sii gudbi doona magaalada Kismaayo ee xarrunta J/hoose.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo teamka uu watay ay ka mid ahaayeen Prof. Gaandi iyo Cumar C. Cali Sharmaake ayaa booqasho ku yimi magaalada Biljam kaddib markii ay lagu casumay shirkii New Deal oo Isniintii la soo dhaafay ka furmay Magaalada Bruxelles ee dalka Biljam.
Puntlandpost.com