Shacabka Soomaaliyeed ayaa weli tuhun xoogan ka qaba sababta loo sii dayn waayey Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu ka jeediyey shirkii Bruxelles, shakigaas ayaa yimi kaddib markii Madaxweynaha Puntland lagu casumay shirkii Bruxelles isla markaana uu noqday shaqsigii Labaad oo hogaamiye Soomaaliyeed ah oo shirkaas ka hadlay, isla markaana aan la sii dayn khudbadii uu ka jeediyey shirkii New Deal.
Madaxweyne Faroole ayaa shakiga Soomaalidu qabtay gaar ahaantiisa la qabay , kaddib markii Saacado kaddib markii uu shirka ka soo baxay loo sheegay in saxaafada Soomaalida aan laga sii dayn khudbadiisa, wuxuuna Madaxweynaha Puntland uu shirkii uu kula yeeshay magaalada Bruxelles Jaaliyadaha Puntland uu u sheegay “‘ Aniga iyo Wafdigayga waa nimi shirka New Deal, waxaana u sharaxnay Beesha Caalamka Xaalada Soomaaliya ay ku jirto iyo tan Puntland. Puntland waxay leedahay Siyaasad CAD marka laga hadlayo Soomaaliya, waxaana Beesha Caalamka u sheegay qorshaheena 5 ta sano ee soo socota , qoraalna waanu hordhignay wax nagu seegana ma jiraan hadii la baahiyo khudbadeena iyo haddii kale , Idinku ka jaaliyado ahaan idinku baara waxa loo siidayn waayey Khudbada, laakiin anagu shirka waan ka hadalnay Beesha Caalamka waxay naga rabtayna waan u gudbinay, Casumaadaasna iyagaa noogu yeeray, taas ayeyna ahayd muhiimadayada, laakiin in la siidaayo khudbadayada ,gaar ahaan Kanaalada Soomaalida wax muhiim ah iyo dan gaar ah kama lihin’” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Daawo Falanqaynta Somalichanel ee khudbada & sababta loo siideyn waayey..

Madaxweyne faroole, Wakiilka Arimaha Dibada EU Catherine Margaret Ashton iyo Wakiilka Midowga Afrika
Mar kale ayuu ku celiyey ” Waxa lala hadlayey oo wax laga doonayey waxay ahayd Beesha Caalamka , iyagana nacasumay , hortooda ayaan ka jeedinay khudbada, waana ka hadalnay danta puntland iyo tan Soomaaliya intaba, Weji ka weji ayaan isku horfadhinay , khudbada aan ka jeediyey shirka muhiimad gaar ah ayey noo lahayd waana gudbinay inagoo is horfadhina mana jirin qolo gaar ah oo naga turjumaysay ” ayuu yiri madaxweyne Faroole.
Hadalka madaxweyanaha Puntland ayaa u muuqday mid uusan u arag muhiimad gaar ah , in la sii daayo khudbadiisa iyo in kale , laakiin aaminsan fakir kale oo ah in ay dantii ay ka lahaayeen shirka gaareen, ayna shirka si LIVE ah uga jeediyeen Beesha Caalamka, danta ay Soomaaliya iyo Puntland khusaysay.
Puntlandpost ayaa waxaa soo gaaraya in Jaaliyada Biljum iyo kuwa Yurub ay diyaarinayaan Dacwad ku aadan sababta muwaadiniinta Soomaaliyeed looga qariyey Khudbadii Madaxweyne Faroole oo Soomaalida muhiimad gaar ah u lahayd, iyadoo dacwadaas loo gudbinayo Xarrunta EU.
Daawo khudbada la qariyey
Puntlandpost.com