Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in DF ee Soomaaliya ay Jahawareer siyaasadeed oo ku adaan Jubbaland State ay ka bilowday magaalada Muqdisho, kaddib markii maalinkii shalay ay soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegayaan in shir Dib u heshiisiin ahb laga furayo magaalada Muqdisho bilowga Bisha Oktoober.
Warsaxaafadeedkaas ayaa Odayaal dhaqameedka Jubbooyinka ku sheegeen inuu yahay mid jahawareer lagu gelinayo heshiiskii Addis Ababa lagu gaaray oo ay ku gaareen DF ee Soomaaliya & maamulka Jubbaland State.
Warar sugan oo naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Oday dhaqameedka Jubbland ay kulan deg deg ku leeyihiin magaalada Kismaayo, kuwaas oo ka jawaabaya Warsaxaafadeedka ka soo baxay dhanka DF ee Soomaaliya.
Sikastaba, warsaxaafadeedka ka soo baxay DF ayaa meesha ka saaraya in la sii anba qaado heshiiskii addis ababa, inkasta oo shacabka Jubbooyinka ay tuhun weyn ka qabeen in lagu guulaysan karo heshiiskii lala galay dowlada.
Madaxweynaha Jubbaland State Axmed Islaan , ayaa dhankiisa la sheegayaa in inuu si deg deg uga jawaabayo warsaxaafadeedka ka soo baxay DF.
Puntlandpost.com