Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dongorayo:Faah faahin madaxwaynaha Pl oo la kulmay qoysaskii ku xoolo waayay duufaanta(Sawiro)

$
0
0

Dongorayo(pp) Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa duleedka tuulada qarxis oo ka tirsan Degmadda Eyl kula kulmay boqolal Qoysaskii ku xoolo waayay duufaantii todobaadkii hore ka dhacday deegaano Puntland ka tirsan.

1Socdaalka uu ku tagay mudane Farole Qarxis waxaa ku weheliyay wasiiro iyo saraakiil ciidan,wuxuna ka xog waraystay dadka cayroobay xaaladooda iyo sida ay u saamaysay roobabka qabowga wata ee maalmihii lasoo dhaafay ku da’ayay.

Gurmad iskugu jira cunto iyo hoy oo ka kala yimi Bosaaso iyo Garowe ayaa qoysaska loo qaybiyay,waxana socda dadaalo kala duwan oo ay dowlada Puntland ku doonayso inay dhamaan dadka barakacay deeqda gaarsiiso.

Madaxwaynaha dowlada Puntland iyo wafdiga la socday ayaa caawa ku hoyday magalada Dongorayo,halkaasoo maalinka barito ah ay uga anbo bixi doonaan deegaano kale oo ay dad badani kusoo barakaceen.

15

3 2 4 15 6 9 8 7 4 16 11 13 18 14

Sawir Qaadi Cabdiqani Cabdilaahi Irbad

Puntlandpost.com
Degmada Dongorayo

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>