Muqdisho(pp) Waxaa sii xumaatay rajadda uu Ra’iisulwasaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ka qabay inuu xilka sii hayo,ka dib markii maanta mooshan ka dhan ah xukuumaddiisa ay ka keeneen xildhibaano gaaraya 168-mudane,kuwaasoo warqadda xafiiska ugu geeyeen gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka ahna ku simaha gudoomiyaha Mahad Axmed.
Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay dhamaantood wada saxiixeen warqadda ay ku cadaynayaan inay kalsoonidii kala noqdeen xukumadda uu horkacayo wasiirka kowaad ee dalka Shirdoon Saacid,taasoo god ku riday rajadii uu qabay Saacid,maadama uu horay codsi is-casilaad ah uga diiday madaxwaynaha Somalia.
Xildhibaanada mooshinkan saxiixay waxaa ka mid ah Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah gudoomiyaha guddiga xaquuqul insiinta ee baarlamaanka,waxayna galabta BBC u sheegay sababta ku kaliftay inay mooshinka keenan ay tahay ka dib markii waxqabadka xukumadda looga fadhiyay oo sii xumaaday iyo khilaafka u dhaxeeya madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaraha.
Waxay sheegtay Khadiijo inay muhiim tahay helitaanka xukumad si wanaagsan u shaqayn karta oo ay dadku ku kalsoon yihiin,waxayna tilmaamtay inay ku han-wayn yihiin in xukumadda cusub la helo si ay howsha baaxada leh usii socod siiyaan.
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Axmed ayaa sheegay inay sharci u lee yihiin xildhibaanada baarlamaanka inay mooshin ka keeni karaan xukumadda,kay soo gudbiyeena uu yahay mid sharciga waafaqsan,wuxuna sheegay fadhiga ugu horeeya ee baarlamaanka in looga doodi doona khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda.
Sharci ahaan 55-xildhibaan ayaa mooshin keeni kara,balse tirada hada isku raacsan in xukumadda Saacid meesha laga saaro oo tiro badan ayaa rajo xumo ku ridaysa xukuamdda.waxana la aaminsan yahay xildhibaanadaan inay saaxiib dhow la lee yihiin madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.
Todobaad ka hor ayay ahayd markii ay soo ifbaxday khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Xasan Shiikh iyo Raysilwasaare Saacid,taasoo caqabad ku noqotay shaqada dowlada hortaala.
Ra’iisulwasaraha Somalia Saacid kama uusan hadlin warka kasoo baxay inta badan xildhibaanadda baarlamaanka Somalia,balse dadka siyaasada falanqeeya ayaa shegaya rajada uu kursiga ka qabo Cabdi Faarax Shirdoon inay tahay mid god dheer oo aan la gaarin karin ku dhacday.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho