Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gaalkacyo:Nicholes Kay oo Gaalkacyo kula shiray qaar ka mid ah Isimadda Pl(Sawirro)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholes Kay oo maanta gaaray magalada Gaalkacyo ayaa labo kulan la qaatay qaar ka mid ah isimada Gobalka Mudug iyo qaarkood musharaxiinta xilka madaxtinimadda u tartamaya.

1Mr.Kay ayaa musharaxiinta kala sheekaystay habka ay ugu diyaar garoobeen doorashada iyo sida ay u aaminsan yihiin xukumadda hadda talada haysa ee uu madaxwaynaha ka yahay Farole,iyadoona walaaca uu Kay ka muujiyay ammaanka maadama ilaa iyo hadda Caasumadda Puntland aysan imaan inta badan musharaxiinta.

2Qaar ka mid ah musharaxiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka wada hadleen Kay arrimo la xariira doorashadda iyo ammaanka,waxayna sheegeen inay iska garteen in si hufan oo cadaalad ah loo qabto doorashada isla markasna la dhowro nidaamka degsan.

5Nicholis ayaa sidoo kale guriga Islaan Bashiir Islaan Cabdule kula qaatay shir qaar ka mid ah Isimadda Puntland,waxayna labada dhinac ka wada hadlayeen qodobo ay ka mid yihiin doorashada,dadajinta guddiga khilaafaadka,soo xulista xubnaha wali maqan ee baarlamaanka cusub,waxana gunaanudkii shirka la isla gartay in shirka isimadda ay iskugu imaan lahaayeen dib loo dhigo inta dowladda cusub ay dhalan doonto.

Ergayga QM ee Somalia iyo wafdiga la socda ayaa lagu wadaa inuu gaaro magalada Bosaaso isla markasna uu kulan la qaato odayaasha dhaqanka iyo musharaxiinta ku sugan.

Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>