Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaaso:Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia oo Bosaaso gaaray (Sawirro)

$
0
0

Bosaaso(pp) Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholes Kay ayaa gaaray maantay magalada Bosaaso xarunta Gobalka Bari,halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen mamulka Gobalka iyo qaar ka mid ah gollaha wasiiradda Puntland.

9Marka uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ayuu saxaafadda la hadlay wuxuna sheegay socdaalkiisa Bosaaso inuu salka ku hayo la kulanka mamulka Gobalka,Isimadda iyo musharaxiinta ku sugan magalada,wuxuna rajo ka muujiyay inuu safarkiisa kusoo dhamaan doono si wanaagsan,

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Faarax Cali Jaamac oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Kay iyo wafdiga la socda inay magalada kusoo dhaweeyeen isla markasna inta uu ku sugan yahay baladka uu kulamo kala duwan samayn doono.

QM ayaa sheegtay inay Puntland ka taageeri doonto qabsaamida doorasho xor iyo xalaal ah,waxana jira warar soo baxaya oo shegaya Kay inuu walaac ka qabo ammaanka,maadama aysan ilaa iyo hada musharaxiinta badankood aysan gaarin magalada Garowe.

Shalay waxa uu Kay kulan kula soo qaatay musharaxiin iyo qaar ka mid ah Isimadda Puntland magalada Gaalkacyo,wuxuna kala hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin ammaanka,doorashada,samaynta guddiga khilaafaadka doorashada.

Waxana lagu wadaa saacadaha soo socda inuu soo afmeero socdaalkiisa magalada Bosaaso,ka dibna uu dib ugu laabto magalada Nayroobi oo uu horay uga soo kictimay.

6 4 7

Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>