Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Mudaharaad ka dhan ah madaxwaynaha DFS oo Garowe ka dhacay(Sawirro&Dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Isku soo bax looga soo horjeeda siyaasadda madaxwaynaha dowlada federaalka ah ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay magalada Garowe,iyadoona mudaharaadkaasi ay soo abaabuleen dad-yowga u dhashay Gobalka Shabeelada dhexe.

10Banaan-baxaan oo ay ka qayb galeen dad aad u faro badan ayaa waxaa ay dadka ka hadlay dareenkooda ku muujinayeen in siyaasada Xasan Shiikh Maxamuud ay tahay mid aan loo dulqaadan karin isla markasna dadka Soomaaliyeed dib u xasuusinaysa wixii dhacay 1991-dii,waxayna ku baaqeen in madaxda dalka ay dhibka iyo bahdilka ka daayaan shacabka ku dhaqan Gobalka Shabeeladda dhexe.

2Nabadoon Mukhtaar Abuukar Xuseen oo ka mid ah Odayaasha deegaan ahaan kasoo jeeda Shabeelada dhexe isla markasna mudaharaadka ka hadlay ayaa sheegay inay rajo xumo tahay in hubka dowladda lagu gumaado shacabka Gobalka Shabeelada dhexe,wuxuna ugu baaqay in shacabkaasi laga daayo dagaalka siyaasadaysan.

1Beesha caalamka ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan dagaalka ay dowladda Somalia ka bilowday Gobalka Shabeellada dhexe,wuxuna sheegay qabiilo gaar ah inay wadaan dhul balaarsi lagu hayo beelaha Gobalka dega.

8Faadumo Maxamed Dalaash oo ka mid ah Hooyooyinkii ka hadlay mudaharaadka ayaa sheegay inay saamayn xoogan ku yelatay haweenka fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabelle kaasoo mudo saddex bilood oo xiriir ah kala gooyay isku socodka Muqdisho iyo Jowhar,waxayna sheegtay haweenka in loo gaysanayo kufsi iyo dilal ka dhan ah aadanaha.

5Dowladda Somalia ayay sheegtay inay kala noqdeen kalsoonidii ay u hayeen,maadama aysan waxqabad la taaban karo aysan ka hirgalin Gobalka Shabelleda dhexe.

4Xaaji Muuse Cismaan Caray oo ka mid ah dadka soo qaban qaabiyay isku soo baxay ayaa sheegay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobalka Shabelleda dhexe inay ka danbeeyaan dowlada dhexe ee dalka,ayna taasi tahay mid aan loo adkaysan karin,wuxuna sheegay Beesha Jareer-wayne in looga baahan yahay inay ka dhiidhiyaan gumaadka iyo dagaalada siyaasadaysan ee lagu soo qaaday.

11Banaan-baxan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili xaalada Gobalka Shabelladaha dhexe laga dayrinayo,iyadoona saamaynta uu wabiga shabelle gaystay ka sakow ay jirto dagaalada ka dhacay tuulooyin tiro badan oo Jowhar ka tirsan ayna ka carareen dadkii deganaa,balse dowladda aysan ilaa iyo hada waxba ka baqan marka laga tago guddi wasiiro ah oo halkaasi gaaray.

6 3 1 14 7

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>