Bosaaso(pp) Wakiilka gaarka ah ee xoghayah guud ee QM Nicholis Kay oo maanta soo gaaray magalada Bosaaso ayaa kulan ay warbaahintu dibada ka joogtay kula qaatay hotelka International Villeg Musharax Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah ragga u tartamaya xilka madaxwayne-nimo ee Puntland.
Inkastoo kulankaasi aan wax badan laga ogaan karin,hadana Cali Xaajo oo ka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay Kay inay ka wada hadleen arrimo khuseeya doorashada iyo dareenka ay murashaxiinta ka qabaan ammigooda,iyadoona ay dowladdu tiri waa in musharax kastaa uu lix askari soo kaxaysaa.
Cali Xaaji ayaa sheegay inay isla soo hadal qaadeen hirgalinta guddiga khilaafaadka doorashada iyo shirka Isimadda oo la shegay inuu dib u dhacay,wuxuna musharaxaasi sheegay inuu rajo badan ka qabo doorashadda Puntland inay ku dhacdo si wanaagsan oo cadaalad ah ayna ku wada qanacsan yihiin murashaxiinta ka qayb galaysa.
Wararka kale ee soo baxaya ayaa sheegay Nicholis inuu kulan gaar ah hadda kula lee yahay Hotelka madaxwaynihii hore ee Pl Cadde Muuse Xirsi,kulankaasi ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay xaalada ammaan iyo qabashada shirka isimada.
Wixii kasoo baxa kulamada socda kala soco wararka danbe ee Puntlandpost.com
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaaso