Boosaaso(PP): Murashaxa xilka madaxweyne ee doorashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa maanta (jimce 22-ka November) waxa uu kulan la qaatay wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, oo saxddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa Puntland.
Shirka oo ka dhacay Hotel-ka village ee Boosaaso ayay labada dhinac ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo khuseeya sidii Puntland looga hirgelin laha doorasho nabad iyo caddaalad ku dhacda.
Cali Xaaji Warsame oo la hadlay saxafada shirka kadib ayaa sheegay in nuxurka shirka uu ku dulwareegayay soo xulitaanka guddiga khilaafaadka iyo guddiga amniga oo ay dhowaan magacawday xukuumaddu iyo shirka Isimada Puntland.
Musharaxu waxa uu sheegay in ay ergayga laqaybsadeen mowqifkooda ku aadan qaddiyadahaas, sidoo kalena ay ka dhegaysteen dhiniciisa wixii uu kala soo kulmay dhinacyadii kale ee ay isa soo arkeen.
Murashax Cali Xaaji Warsame waxa uu dareen yididiilo leh ka muujiyay in Puntland ay marxalada kala-guurka ku mari doonto si guul iyo nabad ah, Puntland-na ay ka dhici doonto doorasho xaq iyo xalaal ah.
Nicholas Kay, ayaa horay u soo booqday magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, halkaas oo uu kula soo kulmay xukuumadda madaxweyne cabdiraxmaan Maxamed Faroole , isimo, iyo musharaxiinta xilka madaxweynenimo ee Puntland.
Puntlandpost.com
Xafiiska Boosaaso