Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Xaalada G-Shabellada dhexe oo laga shiray iyo DFS oo baaq loo diray(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Waxgaradka iyo Odayaasha kasoo jeeda Gobalka Shabellada dhexe ee ku nool magalada Garowe ayaa kulan ay iskugu yimaadeen waxay kaga hadleen xaalada murugsan ee ka taagan Gobalka iyo sida ay masuuliyiinta dowladda looga baahan yahay inay wax ka qabato colaada iyo saamaynta wabiga shabelle.

Odayasha Shabelle ee Garowe

Kulankan oo ay sidoo kale kasoo qayb galay inta badan dadka kasoo jeeda Shabellada dhexe ayaa waxaa laga soo jeediyay baaq shan qodob ka kooban,kaasoo ay ku cabireen xaalada gobalka iyo sida hadda loogu baahan yahay in wax laga qabto.

2Nabadoon Muuse Cismaan Caray oo ka mid ah Odayasha Gobalkaasi kasoo jeeda ayaa warbaahinta u sheegay inay ka xun yihiin dhibaatooyinka soo jiitamayay ee wali ka aloosan deegaanada u dhow Degmada Jowhar iyo saamaynta wabiga Shabelle oo aan ilaa iyo hadda wax la taaban karo laga qaban.

3Haweenka iyo dhalinyaradda oo saxaafada dhankooda la hadlay ayaa sheegay dowladda Somalia inay isku koobtay oo kaliya magalada Muqdusho,taasna aysan ahayn wax cadaalad ah oo la iska fiirsan karo.

4Ugu danbayntii baaqa laga soo saaray kulanka aya u dhignaa sida tan.

1: Waxgaradku wuxuu ugu horeyn ugu baaqayaa dowladda dhexe ee Somalia inay soo faragaliso colaada u dhaxaysa beelaha walaalaha ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku nafwaayeen dad badan ayna ku barakaceen qoysas tiro badan oo qaarkood laga gubay guryihii ay daganaayeen qaarna ay uga qaxeen colaada.

2: Waxgaradka Shabeellaha dhexe ee Garowe waxay dhaliilayaan mamulka Gobalka oo ka gaabiyay xalinta colaadan islamarkasna lagu eedeeyo hurinta colaada halkii laga doonayay inuu u adeego bulshada Gobalka ku nool.

3: Waxgaradku wuxuu soo dhaweynayaa dadaalada ay wadaan aqoon-yahanka Gobalka ee dowladda ka tirsan,wuxuna codsanayaa in la dardargaliyo dadaaladaas si loo joojiyo dhiiga daadanaya loona badbaadiyo inta hadhay.

4: Waxgaradku wuxuu ugu baaqayaa beelaha duulaanka ah inay nabadda ka shaqeeyaan islamarkasna ay Somalia colaad kasoo daashay oo aanay jirin cid guul ka gaarta dagaaladii dalka ka dhacay,waa inay cid kastaa halkeeda ku ekaato oo aan la isku xad-gudbin lana hunguriyayn deegaano dadkale ay lee yihiin.

5: Waxgaradka waxa uu ugu baaqayaa dowladda dhexe,Hay’addaha samafalka,jaaliyadda Gobalka ee dibada iyo tan gudaha inay caawiyaan qoysaska ay dhibaatadu kasoo gaartay colaadii ka dhacday qaybo ka mid ah Gobalka iyo fatahaadaha wabiga uu sameyay.

5 6 8 9 10

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>