Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Agabyo waxbarasho oo loo diray iskuuladii ay duufaantu saamaysay(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Wasaarada waxbarashada dowladda Puntland ayaa maanta saddax gaari oo agabyo waxbarasho sida u kala dirtay iskuuladii ay saamaynta kasoo gaartay duufaantii todobaadkii hore ka dhacday Gobaladda Bari.Karkaar iyo Nugaal.

JuxaWasiirka waxbarashada Puntland oo saxafada la hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa iskuulada ay dhaawaca u gaysatay duufaanta,kuwaasoo afar ka mid ay ay bur bur soo gaareen,wuxuna sheegay hadda inay direen agabyo waxbarasho balse qiimaynta lasoo samayn doono ka dib ay ka tusaalo qaadan doonan sidii wax loogu qaban lahaa.

Maxamed Cali Faarax oo ah agaasimaha waaxda mashaariicda wasaradda ayaa sheegay agabyadda ay maanta gobaladaasi u direen inay ka kooban tahay jeestooyin,buugaagta wax lagu baro ardayda iyo shiraacyo loogu talo galay in lagu sii hagaajiyo afar iskuul oo burbur soo gaaray,wuxuna hadalkiisa ku diray gawaaradda qalabkaasi sida inay maanta ka kala baxayaan Garowe,Qardho iyo Bosaaso.

Gurmadkan waxa uu qayb ka yahay kan wayn oo ay dowladdu ugu jirto sidii loo samata-bixin lahaa qoysaska tabaalaysan.

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>